Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta ka jeediyey khudbad dhinacyo badan taabanaysa oo uu kaga hadlay shirweynaha Hiigsiga Qarni-jirka Soomaaliya, isagoo soo bandhigay loolanka dunida casriga ah ka jira, caqabaha heysta dalka iyo hiigsiga isbedelka muddada dheer.
Madaxweynaha ayaa khudbaddiisa ku adkeeyey in Soomaaliya ay haatan ku jirto marxalad cusub oo ay ka muuqato koror dhaqaale iyo yididiilo horumarineed, hase yeeshee ay weli jiraan caqabado waaweyn oo muddo 35 sano ah dalka ragaadiyey. Wuxuu tilmamamay haddii la xali lahaa muddaasi khilaafka arimaha amniga iyo Siyaasadda ee taagan in la gaari karay sida uu qabo meel fog, balse wuxuu carrabka ku adkeeyey in xukuumaddiisu ay ka go’an tahay in la soo afjaro silsiladda qalalaasaha siyaasadeed ee dalka ragaadiyey.
Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in siyaasadda dalka ay sanado dheer ahayd mid shaqsiyeed, hase yeeshee hadda ay dowladda u jeedo cusub leedahay oo ah dhismaha midnimo qaran dhab ah iyo dajinta yoolal qaran oo xukunnada is xigxiga ay halkooda ka sii wadaan. Wuxuu caddeeyey in xasillooni siyaasadeed oo waarta ay tahay furaha horumarka, maalgashiga, iyo ka qaybgalka tartanka dhaqaale ee heer caalami.
“Waxaan dooneynaa inaan wadamada caalamka kula tartano dhaqaalaha iyo horumarka, waana muhiim inaan higelino Qorsheyaasha Hiigsiga Qarni-jirka 2060,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan.
Isagoo ka hadlayey aragtida cusub ee Hiigsiga Qarni-jirka 2060, Madaxweynaha ayaa sheegay in qorshahan uu yahay mid dib u qeexaya doorka Soomaaliya ee gobolka iyo caalamka, lagana rajaynayo in uu saldhig u noqdo horumar waara iyo koboc la tartami kara dalalka kale ee caalamka iyo kuwa gobolka.
Dhanka doorashooyinka, Madaxweynaha ayaa si gaar ah u taabtay muranka siyaasadeed ee ka taagan hannaanka doorashooyinka 2026, isagoo ballan qaaday in wadatashi dhab ah lala yeelan doono dhammaan daneeyayaasha siyaasadeed si looga fogaado isqabqabsi hor leh.
HBN ONLINE TV