Ciidanka Hay’adda Sirdoonka Soomaaliya NISA ayaa sheegtay in howlgallo qorsheysan oo ay maanta ka fuliyeen deegaanka Mabaax ee Gobolka Hiiraan iyo degmada Aadan Yabaal ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ku gaarsiiyeen maleeshiyaad iyo horjoogeyaal ka tirsan Alshabaab, iyagoo kaashanaya Saaxiibada Caalamka.
Howlgalka 1-aad, oo ka dhacay deegaanka Mabaax ayaa la tilmaamay in lagu dilay 13 Alshabaab ah, kadib markii NISA ay sheegtay in laga hortagay weerar ay doonayeen kooxdu in ay ku qaadaan deegaanka Ceel-qooxle ee Gobolka Hiiraan, waxaana inta howlgalkan uu socday la burburiyay gaadiidkii ay saarnaayeen iyo xarun ay ku daryeeli jireen dhaawacyadooda.
Dhanka kale, howlgallo kale oo ilaa galabta soo gaaray oo ka dhacay degmada Aadan Yabaal ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa lagu burburiyay labo xarumood oo ay Alshabaab u adeegsan jireen sida hadalka loo dhigay diyaarinta gaadiidka dagaalka iyo kaydinta hubka.
Hay’adda NISA, ayaa carrabaabtay inay sii labo-jibbaartay howlgallada bartilmaameedka ah ee lagu beegsanayo kooxda, waxaana howlgalladan lagu dilay dhammaan maleeshiyaadkii kooxda ahaa ee ku sugnaa xarumaha la beegsaday.
HBN ONLINE TV