Madaxweyne Xasan Sheekh oo qaabilay xoghayaha fulinta Qaramada Midoobey ee Afrika

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ku soo dhaweeyay xarunta Madaxtooyada dalka Xoghayaha fulinta ee guddiga dhaqaalaha Afrika ee Qaramada Midoobay (UNECA), Claver Gatete, iyada oo dalka uu isu diyaarinayo daahfurka rasmiga ah ee aragtida horumarineed ee Qaranka – Himilada 2060, oo lagu wado in lagu qabto magaalada Muqdisho.

War-saxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu uga mahadceliyay Xoghaye Gatete doorkooda muhiimka ah ee ay ku leeyihiin diyaarinta iyo hirgelinta qorshaha istiraatiijiga ah ee horumarinta fog ee Soomaaliya. Madaxweynaha ayaa sidoo kale xusay muhiimadda iskaashiga caalamiga ah ee lagu gaari karo yoolalka horumarineed ee dalka.

Intii uu socday kulanka, Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu soo bandhigay guulaha ay Soomaaliya gaartay sanadihii u dambeeyay, kuwaas oo ay ka mid yihiin dhammaystirka hannaanka deyn cafinta, ku biirista Ururka Bulshada Bariga Afrika (EAC), kobaca dakhliga gudaha iyo hagaajinta nidaamka maaliyadeed ee dowladda.

Dhinaca kale, Claver Gatete ayaa la filayaa inuu kulamo la yeesho madaxda maamul-goboleedyada iyo mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka, si ay uga wada hadlaan xoojinta adeegyada aasaasiga ah ee ay bixiyaan hay’adaha Qaramada Midoobay ee ka howlgala gudaha Soomaaliya.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed