Axmed Madoobe oo degay caadimadda Puntland ee Garowe

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe, ayaa maanta socdaalkiisii ugu horreeyay tan iyo markii dib loo doortay dhammaadkii sannadkii hore 2024 ku gaaray magaalada Garowe ee caasimadda Puntland.

Bayaanka kooban oo ka soo baxay madaxtooyada Jubbaland ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Madoobe si diirran loogu soo dhaweeyay Garowe, waxaana halkaas ku qaabilay Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, mas’uuliyiin ka tirsan maamulkaas iyo qeybaha kala duwan ee bulshada magaalada.

Socdaalkani wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo Puntland iyo Jubbaland ay hadda ka mideysan yihiin mowqif siyaasadeed oo mucaarad ku ah Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Inkasta oo aan weli si rasmi ah loo caleema saarin Axmed Madoobe tan iyo markii markale loo dhaariyay xilka Madaxweynaha Jubbaland, haddana wuxuu helay taageero siyaasadeed oo xooggan oo kaga timid hoggaamiyeyaasha mucaaradka.

Saciid Deni iyo Axmed Madoobe ayaa wada hadalladooda diirada ku saaraya sidii ay u wajahayaan xaaladda siyaadeed ee dalka gaar ahaan khilaafka Dowladda Federaalka. Sidoo kale, labada dhinac ayaa isku soo qaadi doona go’aanka ay ka qaadan karaan wadatashiyada ay ku baaqday Dowladda Federaalka, kuwaasi oo la filayo in ay dhawaan qabsoomaan.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa horey u sheegtay in aanay aqoonsaneyn doorashada Axmed Madoobe, waxayna u jartay warqad soo qabasho ah, taasoo markii dambe loo adeegsaday si maad ah baraha bulshada, ka dib markii Jubbaland soo saartay warqad kale oo soo qabasho ah oo ka dhan Madaxweyen Xasan Sheekh Maxamuud.

Sidoo kale dawlada Soomaaliya ayaa sheegtay inaysan aqoonsanayn doorashadii 25 kii November ee sanadkii hore doorasho ka dhacday Magaalada Kismaayo oo Axmed Madoobe lagu doortay, wuxuuna sheegay inuusan aqoonsin uga baahnayn dawlada federaallka Soomaaliya.

 

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed