Qodobo meesha ka saaraya doorasho dadban oo kasoo baxay shirka Madashada wadatashiga oo Muqdisho ku soo idlaaday

Waxaa caawa lagu soo gaba-gabeeyay magaalada Muqdisho shirkii gogosha wadatashiga qaran, kaas oo maalmahan ka socday caasimadda Soomaaliya. Shirkan oo ah mid muhiim u ah mustaqbalka siyaasadeed ee dalka ayaa waxaa laga soo saaray war-murtiyeed rasmi ah oo xambaarsan qodobo la xiriira doorashooyinka, midnimada qaranka iyo dhamaystirka dastuurka federaalka, kaas oo muddo dheer uu muran ka taagnaa.

Gogoshan ayaa waxaa ka qeyb-galay madaxda sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya DFS, siyaasiyiin, hoggaamiyeyaal bulshada ka tirsan, madax hore, ururrada siyaasadeed ee dalka ka diiwaangashan, xisbiyada siyaasadda Puntland, culimada iyo bulshada rayidka ah. Shirkan ayaa lagu tilmaamay mid ay si ballaaran uga soo qeybgaleen qaybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed, taasoo sare u qaadaysa sida hadalka loo dhigay kalsoonida iyo waxtarka nuxurka shirka.

War-murtiyeedka laga soo saaray shirka ayaa ku baaqay in si degdeg ah loo qabto doorashooyinka heer degmo iyo deegaanka, si dalka loogu jihaysto doorashooyin guud oo la isku raacsan yahay. Waxaa si cad loogu sheegay in aysan jirin dib ugu noqosho doorasho dadban, iyadoo laga faa’iideysanayo khibradaha doorasho ee ka jira Somaliland iyo Puntland, isla markaana la dardar gelinayo qabashada doorashooyinka dowladaha hoose ee deegaannada kale ee dalka.

Sidoo kale, shirku wuxuu soo dhoweeyay aragtiyada iyo talooyinka la xiriira dhamaystirka dastuurka, iyada oo lagu adkeynayo in la raaco habraaca uu tilmaamayo dastuurka ku meelgaarka ah. Waxaa sidoo kale la xusay muhiimadda ilaalinta midnimada iyo wadajirka dadka Soomaaliyeed, taasoo lagu tilmaamay tiir-dhexaadka qarannimada.

Gogoshu waxay si gaar ah u muujisay baahida loo qabo in dib loo bilaabo wadahadalladii u dhaxeeyay DFS iyo Somaliland, si loo helo xal siyaasadeed oo ku dhisan wadatashi iyo midnimo. Waxaa sidoo kale la dhiirrigeliyay in la sii wado wadahadallada ku saabsan doorashooyinka heer federaal iyo heer dowlad-goboleed, si loo gaaro heshiis siyaasadeed oo dhameystiran oo ay dhammaan dhinacyadu ku mideysan yihiin.

Ugu dambeyntii, gogoshu waxay taageero buuxda u muujisay howlgalka lagula dagaallamayo kooxaha Alshabaab iyo Daacish, kuwaas oo ka socda gobollada Shabeellooyinka, Hiiraan, Galgaduud, Mudug Jubbooyinka iyo gobolka Bari.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed