Maxay tahay diyaaradaha Israa’il u baahan tahay si ay u burburiso xarunta nukliyeerka Iiraan ee Fordow

Iyadoo ay sii xoogeysaneyso xiisadda u dhaxeysa Israa’iil iyo Iiraan, indhaha caalamka ayaa markale ku sii jeeda awoodda milatari ee Mareykanka gaar ahaan xilli Israa’iil ay codsaneyso taageero si loo beegsado xarunta Fordow ee Iiraan.

Israa’iil ma awooddo inay kaligeed weerarto goobtan oo si qoto dheer hoos ugu qodan, wuxuuna ku tiirsan yahay weerarkeedu faragelin suurtagal ah oo Mareykanku u adeegsado hub casri ah.

Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu iyo saraakiisha difaaca Israa’iil ayaa la sheegay inay rumeysan yihiin in taageerada milatari ee Mareykanka, laga yaabo in ay ku timaaddo amar kore oo ka yimida Madaxweyne Donald Trump, ayna tahay mid muhiim ah si Fordow loo burburiyo. Qalabka ugu muhiimsan qorshahan waa diyaaradda qarsoon ee B-2, oo si gaar ah ugu habboon howlgalkaas khatarta badan.

Maxaa ka dhigaya diyaaraddan mid muhiim ah

B-2 Spirit waa diyaarad qarsoon oo loogu talagalay duqeymo fogfog iyo gelitaanka aagagga si adag loo ilaaliyo iyadoo aan la ogaan. Si ka duwan B-52, oo xambaari karta miinooyin culus balse aan dhuuman karin, B-2 waxay xambaari kartaa hub aad u culus oo lagu beegsan karo meelaha aadka uu difaacoodu u adag yahay.

Qiimaheedu waa ku dhawaad $2.1 bilyan halkii diyaaradood (oo uu ku jira kharashka dayactirka), waxaana la farsameyay oo keliya 21 diyaaradood, iyadoo 19 ka mid ah ay weli ku jiraan shaqada.

B-2 waxay ka qeyb gashay howlgaladii ka dhacay Kosovo, Libya, Ciraaq, Afgaanistaan, Suuriya iyo Yemen, iyadoo inta badan ka kacda saldhiggeeda Missouri (MISUURI) isla markaana beegsata meelaha aduunka ee fog fog. B-2 waxaa ka dhigay mid ku habboon weerarka Fordow qodobo ay ka mid yihiin naqshadeeda qarsoon, ka dhuumashada raadarka, nidaamka kulka yaraynaya, iyo qalabkeeda dagaalka elektarooniga ah ee awooda in ay jarto xiriirka iyo raadinta cadowga.

Xarunta Fordow waxay ku taallaa qiyaastii meel 95 km koonfur-galbeed kaga beegan Tehran, waxayna u qodan tahay 80–90 mitir hoos buurta u dhow magaalada Qom. Waana mid ka mid ah xarumaha nukliyeer aduunka ee sida ugu adag loo dhisay.

Waxaa xaruntaasi ilaalinaya dhagaxyo dabiici ah, laamiyo sibir ah oo adag, iyo dhismooyin gudaha ah oo si xarago leh u qariyay howlaha goobta.

Waxaa ku hareeraysan difaacyo cirka ah, nidaamyo raadaarro ah iyo kormeer joogto ah. Sida ay sheegtay Hay’adda Caalamiga ah ee Tamarta Atomiga (IAEA), waxeyna xaruntu leedahay ilaa 3,000 oo makiinadood oo uranium-ka nadiifiya.

Qalab ama gantaalka keliya ee la ogyahay inuu burburin karo xarunta Fordow waa kan ku rakiban diyaaradda B-2 ee Mareykanka oo miisaankiisu yahay 13–14 tan, wuxuuna jabin karaa ilaa 61 mitir oo sibir adag ah ama 12 mitir oo dhagax adag ah.

Sida Weerarku U Dhici Karo

Weerar guuleysta waxaa suuragal ah inuu ku bilaabmo hawlgallo cyber ah si loo xakameeyo difaacyada cirka ee Iiraan. Marka diyaaradaha B-2 ay soo dhowaadaan, waxay isticmaali doonaan miinooyin si sax ah u beegsan kara xarunta. Waxaa laga yaabaa in marka hore la adeegsado miinooyin caadi ah si loo jabiyo lakabyada sare ama loo tijaabiyo difaaca, ka dibna loo isticmaalo kuwo culus isla meeshii si loo xaqiijiyo in burburka gaaro meelaha hoose ee xarunta.

Hadafku ma aha oo kaliya in la burburiyo qolka nadiifinta uranium-ka, balse sidoo kale waa in la burburiyo nidaamyada taageerada, sida qolalka kontoroolka, qaboojiyeyaasha iyo shidaalka, si xarunta looga dhigo mid aan sii shaqeyn karin.

Caqabadaha Weyn ee Horyaalla weerarkaa

Inkastoo Israa’iil horey uga guuleysatay weerarada kahortagga ah sida kii Ciraaq ee dhacay 1981 iyo kii xarunta Al-Kibar ee Suuriya ee isna dhacay 2007, kan Iiraan wuxuu leeyahay caqabado ka weyn. Xarumaheeda nukliyeerka ayaa ku kala yaal meelo kala duwan, aad hoos ugu qodan, islamarkaana waxey heystaan saynisyahanno iyo teknoolojiyad horumarsan.

Weerarro hore oo ka dhacay agagaarka Fordow iyo xarunta Natanz waxay sababeen burbur kooban. Xitaa haddii Fordow la burburiyo, Iiraan way dib u dhisi kartaa xarun cusub, maadaama aqoonta sayniska ee ay leedahay ay ka xoog badan tahay dadka qaar.
In la bartilmaameedsado saynisyahannada ayaa hoos u dhigi kara horumarka, balse barnaamijku hadda kuma tiirsana hal ama laba qof. Duqeymo milatari waxay si ku-meel-gaar ah u carqaladeyn karaan barnaamijka nukliyeerka ee Iiraan, balse ma baabi’in doonaan gebi ahaanba.

Arrinta nukliyeerka Iiraan waa mid ku tiirsan dhanka siyaasadda iyo sayniska, waana wax ka badan howlgal ciidan oo keliya, waxayna u baahan tahay xal qoto dheer oo ka baxsan duqeyn keliya.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed