Wafdi Ka socda Maraykanka oo booqasho ku tagay Berbera iyo Hargeysa

Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay inay magaalada Hargeysa ay ku marti-gelisay wafdi heer sare ah oo ka socday dowladda Maraykanka, kuwaas oo booqasho shaqo ku joogay muddo laba cisho ah deegaannada Somaliland. Wafdigan waxaa hoggaaminayay Danjiraha Maraykanka ee Soomaaliya Richard Riley, waxaana ka mid ahaa Taliyaha Guud ee Ciidamada Maraykanka ee Qaaradda Afrika (AFRICOM), Jeneraal Michael Langley, saraakiil sare iyo diblomaasiyiin.

Wafdigu waxay kulan gaar ah la yeesheen Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Cirro, iyadoo kulankaasi diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga dhinacyada amniga, difaaca iyo danaha wadajirka ah ee labada dhinac.

Intii uu socday is aragga wafdiga Maraykanka iyo Somaliland, waxay booqdeen magaalada istaraatiijiga ah ee Berbera, halkaas oo ay kormeereen kaabeyaasha muhiimka u ah sugidda amniga iyo difaaca gobolka.

Somaliland ayaa ku sheegtay booqashadan mid muujinaysa sida ay uga go’an tahay horumarinta iskaashi waara oo la xiriira nabadgelyada, ganacsiga iyo difaaca xuduudaha iyadoo booqashadaan ay dhalineyso tuhun horay u jiray oo ku aadan damaca Washington ee ku aadan daneyntiisa gobolka.

Xukuumadda Somaliland waxay si diirran u soo dhoweysay taageerada dowladda Maraykanka ee la xiriirta nabadda iyo xasilloonida Geeska Afrika, iyadoo tallaabadan u aragta mid sare u qaadaysa xiriirka laba geesoodka ah.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed