Faahfaahino kala duwan oo ka soo baxaya duqeyn khasaare culus sababtay oo oo Alshabaab lagula eegtay Jubbada Hoose

Dowladda Federaalka Soomaaliya DFS ayaa faahfaahin ay ka bixisay duqeyn cirka ah oo khasaare culus lagu gaarsiiyay Alshabaab ku sheegtay in lagu tiro badan kooxda ah, kaasi oo ka dhacday deegaanka Maqooqaha oo qiyaastii 100km waqooyi-galbeed kaga beegan magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.

Duqeyntan ayaa waxaa fuliyay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan guutada gaarka ah ee Danab oo taageero ka helaysay sida lagu sheegay war saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Difaaca saaxiibada caalamiga ah ee Soomaaliya.

Weerarka ayaa si toos ah loogu beegsaday xarun lagu sheegay inay aheyd mid muhiim ah oo kooxda oo ay u adeegsan jirtay shirarka iyo abaabulka weerarada.

War Saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in ugu yaraan 25 xubnood oo ka tirsan Alshabaab lagu dilay, halka dhaawacyo kalena laga daadgureeyay goobta. Sidoo kale, dadka deegaanka ayaa sheegay in burbur xooggan uu gaaray xarumihii kooxda ee halkaas ku yaallay sida lagu lifaaqay bayaanka.

Sidoo kale, Howlgalkaasi ayaa DFS ku sheegtay inuu qeyb ka ahaa dadaallada joogtada ah ee Dowladda iyo saaxiibadeeda ay ugu jiraan ciribtirka waxa loogu yeero kooxaha argagixisada ee weli ku dhuumaaleysanaya qeybo kamid ah dalka.

Duqeyntaan ayaa ku soo aadeysa, iyadoo Taliska Mareykanka ee qaaradda Afrika (AFRICOM) uu sheegay in si buuxda ay 16-kii Juun u fuliyeen duqeyn cirka ah oo lala beegsaday kooxda Alshabaab, taas oo ka dhacday nawaaxiga deegaanka Bullo Xajji ee gobolka Jubbada Hoose, lamana sheegin khasaaraha ka dhashay inta uu gaarsiisnaa.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed