Taliska Mareykanka ee qaaradda Afrika (AFRICOM), sheegay in iyagoo si buuxda ukaashanaya Dowladda Federaalka Soomaaliya ay 16-kii Juun oo shalay ku beegan fuliyeen duqeyn cirka ah oo lala beegsaday kooxda Alshabaab, taas oo ka dhacday nawaaxiga deegaanka Bullo Xajji ee gobolka Jubbada Hoose.
Duqeyntan ayaa qeyb ka ahayd sida la sheegay howlgalada iskaashiga ah ee Mareykanka iyo Soomaaliya ku doonayaan in lagu wiiqo awoodda Alshabaab ay u leedahay qorsheynta iyo fulinta weerarro halis gelinaya shacabka Soomaaliyeed, danaha Mareykanka iyo nabadda gobolka.
AFRICOM ayaa carrabaabtay in duqeyntu ay ahayd mid si taxaddar leh loo qorsheeyay, islamarkaana aysan jirin wax khasaare soo gaaray dadka rayidka ah.
“Waxaan sii wadeynaa iskaashiga aan la leenahay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Ciidanka Qalabka Sida si aan uga hortagno qatarta Alshabaab, loogana ilaaliyo weerarro mustaqbalka ka dhan ah Mareykanka iyo saaxiibadiisa gobolka,” ayaa lagu yiri war kasoo baxay AFRICOM.
Duqeyntan ayaa ku soo aadeysa iyadoo bilihii la soo dhaafay ay xoogeysteen duqeymaha ka dhanka kooxaha loogu yeero Argagixisada gobolka.
HBN ONLINE TV