Faahfaahin: Howlgallo culus oo ka dhan Alshabaab oo maanta ka dhacay Masjid Cali Gaduud

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya howlgallo culus oo lagu beegsaday fariisimo kooxda Alshabaab degmada Masjid Cali Gaduud, kadib markii Ciidamada xoogga oo kaashanaya kuwa deegaanka ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Saraakiisha hoggaaminaysa howlgalka oo ay soo xigatay Warbaahinta dowladda ayaa sheegay in ciidamada ay horumar ballaaran ka sameeyeen aagga degmada Masjid Cali Gaduud, iyagoo cagta mariyey sida hadalka loo dhigay fariisimo ay kooxdu gabaad ka dhigteen. Ilaa hadda lama soo warin khasaaraha jira.

Sidoo kale, Waxa ay intaa ku dareen in la sii baacsanayo waxay ku sifeeyeen cadowga ilaa laga suuliyo sida hadalka loo dhigay meelaha ay weli isku dayayaan inay ku dhuuntaan.

Howlgalladan ayaa qeyb ka ah dagaalka joogtada ah ee lagu jiro Alshabab, waxaana saraakiishu xaqiijiyeen inay jiraan khasaare lixaad leh oo la gaarsiiyey kooxda.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed