Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM), ayaa war saxaafadeed uu soo saaray ku sheegay in 13-kii bishaan duqeyn cirka ah ku qaadeen xubno ka tirsan kooxda ISIS-Soomaaliya, iyada oo lala kaashanayo Dowladda Federaalka Soomaaliya DFS.
Weerarkan cirka ah ayaa ka dhacay Koonfur-bari magaalada Boosaaso gobolka Bari ayaa lagu tilmaamay inuu ka qayb ka ahaa howlgallo isdaba joog ah oo lagu bartilmaameedsanayo ka hortagga iyo wiiqidda awoodda Daacishta Soomaaliya ee qorsheynta iyo fulinta weerarrada argagixiso.
Taliska AFRICOM ayaa sheegay in duqeynta lagu bartilmaameedsaday xubno iyo saldhigyo muhiim ah oo kooxdaasi ku lahayd gobolka, iyadoo ay taageero dhanka sirdoonka iyo howlgalka ka geysteen DFS iyo Ciidamada Puntland ee gobolka.
“AFRICOM waxay si dhow ula shaqeyneysaa Dowladda Federaalka Soomaaliya si loo burburiyo awoodda ISIS-Somalia ee weerarro ay ku hanjabayaan inay ku beegsadaan shacabka Mareykanka, ciidamada Mareykanka iyo muwaadiniinta Mareykanka ee dibadda,” ayaa lagu yiri war ka soo baxay AFRICOM.
Weerarkan wuxuu imaanayaa xilli dowladda Soomaaliya iyo saaxiibada caalamiga ah ay dardar gelinayaan dagaalka ka dhanka ah kooxaha loogu yeero xagjirka, gaar ahaan ISIS iyo Al-Shabaab, kuwaas oo wali halis ku ah sida la carrabaabo ammaanka gudaha iyo kan gobolka.
HBN ONLINE TV