Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya DFS Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta si rasmi ah u furay Gogosha Wadatashiga Qaran oo muddo seddex maalin ah socon doonta, waxaana kasoo qeyb galay madax sare oo gudaha iyo dibadda isaga ka kala yimid. Wuxuu si qoto dheer uga hadlay muhiimadda ay leedahay midnimada, wadajirka bulshada iyo ilaalinta madax-bannaanida qaran, xili uu digniin adag ka soo saaray dalalka faragalinta ku haaya Soomaaliya.
Wuxuu markii uu furay shirka soo jeediyey in wadahadal iyo wadaxaajood uu ka furan yahay waxkasta oo dalkaan marxaladda iyo xaaladda uu ku sugan yahay aan ku celinayn. Madaxaweyne Xasan Sheekh oo aan soo hadal qaadin Jubbaland ayaa sheegay in Puntland ay fideyeen gogasha wadatashiga qaranka, iyadoo aan ka soo qeybgalin qaarkood.
“Baaq gaar ah ayaa aan u sooo jeedinaya madaxdii dadka Soomaaliyeed ka hor balan qaaday in haddii la doorto dhamaystirayaan Dastuurka, dalkane u horseedayaan doorasho qof iyo cod ah”
“Waxkasta oo dalkaan marxaladda iyo xaaladda uu ku sugan yahay aan ku celinayn oo aan ku heyneynin – wadahadal iyo wadaxaajood waa ka furan yahay, intay doonto hala ekaato hana qaadato” ayuu yiri madaxaweyne Xasan Sheekh
Xasan Sheekh wuxuu si adag u dhaliilay dowladaha shisheeye ee ku hawlan ama si dadban u taageeraya kala go’ida Soomaaliya, isagoo caddeeyay in aysan marnaba jirin wax gorgortan ah oo ku saabsan midnimada dhuleed, dadeed iyo madax-bannaanida dalka.
“Waxaan si adag digniin ugu direynaa dowladaha dhiiri-gelinaya kala go’ida Soomaaliya, dalkeeda iyo dadkeeda. Soomaaliya waa dal xor ah, mid ah, madax-bannaan oo aan lagu xad-gudbi karin gobonimadeeda, midnimadeeda dhuleed iyo wadajirkeeda dadeed intaba,” ayuu yiri Madaxweynaha.
Sidoo kale, Madaxweynuhu wuxuu si gaar ah uga hadlay arrinta Somaliland, isagoo sheegay in DFS ay u martay dhammaan waddooyinka suurtagalka ah ee dib-u-heshiisiinta, lagana garaabay wixii ku dhacay Somaliland kaddib burburkii dowladdii dhexe ee Kacaanka.
“Gobollada Waqooyi wixii dhacay waan ka garaabnay, waxaan u marnay jid kasta oo suurtagelin kara midnimadii in dib loo yagleelo. Waxaan ka garownay tacadiyadii loo geystay deegaannadaas iyo dadka ku nool. Waxaan garwaaqsan nahay in jidka kaliya ee lagu gaari karo midnimo uu yahay wadahadal nabadeed, waana ku taagan nahay” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.
Beesha caalamka ayuu ugu baaqay in ay ixtiraamaan madax-bannaanida iyo xasilloonida Soomaaliya, isla markaana ay ka fogaadaan faragelin kasta oo si dadban ama toos ah u dhaawacaysa qarannimada Soomaaliya. Waxa uu codsaday in taageeradooda lagu wajaho dib u dhiska dowladnimada, nabadeynta iyo horumarinta hay’adaha dowladda.
Gogosha Wadatashiga Qaran, oo socon doonta muddo seddex cisho ah ayaa ah madal lagu wado in ay kasoo baxaan talooyin, hindise sharciyeedyo iyo go’aamo wax ku ool ah oo lagu xallin karo khilaafaadka siyaasadeed ee jira. Waxa sidoo kale laga sugayaa in la helo isfaham guud oo laga wada qayb qaato si loo gudbo marxaladda kala guurka ah loona dardar geliyo hannaanka dowlad-dhiska.
HBN ONLINE TV