Maamulka Puntland ayaa sheegay in Maanta oo ku beegan 15-ka Juun 2025 la gaaray marxalad cusub oo taariikhi ah oo ku saabsan dadaallada lagu xaqiijinayo nabadda iyo xasilloonida gobolka Bari ee Soomaaliya, ka dib muddo sanad kala barkiis ah oo ay dagaal xooggan ay kula jirtay kooxda Daacish.
Howlgalka Hilaac ayaa la sheegay in si guul leh uu ku dhammeystiray wejigiisii saddexaad, xili maamulku uu u gudbayo wajiga afaaraad — oo ah wejiga ugu dambeya. Marxaladdan kama dambeyska ah ayaa xooga saareysa sida hadalka loo dhigay ciribtirka gebi ahaanba ee kooxaha loogu yeero argagixisada caalamiga ah ee Daacish, iyadoo la doonayo in si buuxda loo soo celiyo xasiloonida iyo nolol nabadeed oo waarta, gaar ahaan deegaanada ku teedsan buuraleyda Calmiskaad.
“Isla waqtigan, waxaa si rasmi ah u bilaabmay Wejiga Koowaad ee Howlgalka Onkod. Wejigan koowaad wuxuu xoogga saarayaa diyaarinta dhammeystiran ee qorshaha hawlgalka, isu-dubaridka ciidamada iyo raridda agabka dagaal, si loogu wajaho buuraha Calmadow” ayaa lagu yiri bayaan uu sarkaal dhanka Puntland ah warbaahinta la wadaagay.
Sidoo kale, ujeeddada howlgalkan ayuu tilmaamay in yahay lagu beegsado kooxda xiriirka la leh Al-Qaacida ee Al-Shabaab, taas oo muujineysa dadaal sifeeyey mid mideysan oo xooggan oo lagu doonayo in lagu baabi’iyo khatartan.
“Labadan howlgal ee is-daba socda waa qayb ka mid ah istaraatijiyadda Qaran ee amniga iyo la dagaalanka argagixisada, iyagoo muujinaya isbeddel dhab ah oo ku wajahan xorreynta dhulka ay kooxahan khatarta ah wali ku dhuumaaleysanayaan” ayuu sii raaciyey hadalkiisa.
Puntland ayaa ku dhiiri galisay shacabka in ay garab istaagaan ciidamada Qalabka Sida si loo xaqiijiyo mustaqbal nabadeed oo barwaaqo leh.
HBN ONLINE TV