Madaxweynaha Jubaland oo ku baaqay shir degdeg ah oo loo dhan yahay si wax looga qabto arrimaha khilaafka dabadheeraaday

Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) oo khadka taleefoonka kula yeeshay wada-hadallo Wakiillada Beesha Caalamka ee Soomaaliya ayaa kawada hadlay xaaladda guud ee dalka iyo baahida loo qabo in si degdeg ah xal qaran loogu helo arrimaha taagan ee dalka.

Axmed Madoobe ayaa intii lagu jiray wada-hadalladaasi si cad u muujiyay in loo baahan yahay in si degdeg ah loo qabto shir qaran oo loo dhan yahay, si looga arrinsado arrimaha mudnaanta leh ee dalka sida: dib-u-eegista Dastuurka, doorashooyin loo dhan yahay oo waqtigooda ku dhaca, iyo dagaalka lagula jiro kooxaha argagixisada.

Sidoo kale, Madaxweynaha Jubaland ayaa uga mahadceliyay Wakiillada Beesha Caalamka taageerada ay sida joogtada ah u siiyaan shacabka Soomaaliyeed.

Wuxuu xusay in dadaalka Beesha Caalamka uu door weyn ka qaatay horumarinta waddada nabadda, xasilloonida, iyo dowlad-dhisidda Soomaaliya, isagoo bogaadiyay doorka diblomaasiyiinta caalamka ee ku aaddan horumarinta geeddi-socodka siyaasadeed ee dalka.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed