DFS oo Shaacisay Furitaanka Gogosha Wadatashiga Qaranka

Magaalada Muqdisho ayaa lagu wadaa in maalinta berri ah 16-ka Juun 2025 in si rasmi ah looga furo gogoshii uu dhawaan ku baaqay Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya DFS Xasan Sheekh Maxamuud, taasi oo ku taariikhaysneyd in maanta ay ka furanto magaalada Muqdisho.

Gogoshan wadatashiga ah oo DFS ku tilmaantay mid muhiim u ah mustaqbalka dalka ayaa waxaa ka qayb gelaya wufuud kala duwan oo ka kala imanaya gudaha iyo dibadda dalka, kuwaas oo isugu jira masuuliyiin, aqoonyahanno, siyaasiyiin, odayaal dhaqameed iyo indheergaradka Soomaaliyeed.

Diyaar-garowgii ugu dambeeyey ee gogosha ayaa haatan maraya sida la tilmaamay heer gabo-gabo, iyada oo uu wado guddi gaar ah oo ay xukuumaddu u xilsaartay taaba-gelinta iyo qaban-qaabada madashan wadatashiga qaran.

Madaxweynaha iyo madaxda kale ee dowladda ayaa marka ay furanto madasha wadatashiga wadahadallo la yeelan doona qaybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed, iyagoo xoogga saaraya sida la tilmaamay arrimaha mudnaanta u leh qaranka sida: Dardargelinta Midnimada iyo wadajirka Soomaaliya, Xoojinta amniga iyo la dagaallanka kooxaha argagixisada, Dib-u-eegista iyo dhammeystirka dastuurka iyo Qorsheynta hanaanka doorasho ee dalka.

Gogoshan wadatashiga ah ayaa lagu wadaa in ay horseeddo isfaham ballaaran oo salka ku haya masiirka Soomaaliya, iyadoo la rajeynayo in ay ka soo baxaan talooyin wax ku ool ah oo lagu hagayo geeddi-socodka dowlad-dhiska dalka, iyadoo dhanka kale ay xubnaha micaaradka ka muujiyeen saluug iyo in aanay ku qanacsaneyn qaabka wax u socdaan.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed