Madaxweyne Deni oo gaashaanka u daruuray in maamulkiisa hortaagan yahay mashaariicda laga fuliyo Puntland

Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo ka hadlay mashaariicda maamulkaas uu ka helo Dowladda Dhexe iyo Beesha Caalamka ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin mashaariicda ka imaanaya, laakiin aysan doonayn kuwo la musuqmaasuqay ama gacmo kale ay ku jiraan.

Deni ayaa sheegay jiritaanka mashaariic la musuq maasuqay oo inay jiraan, wuxuuna si cad u diiday la keeno wax nuucaasi in deegaannada Puntland. Wuxuu carrabaabay madaxweyne Deni in dhankasta haka yimaadaan mashaariicda balse ay diidi doonaan wax la siyaasadeeyo.

Maamullada kale ee dalka ayuu faray inay go’aankooda oo kale ay qaataan si wax looga qabto sumcad xumo uu sheegay inay ku kacayaan dad uu ku eedeeyey inay dhaqaale ka sameeyaan.

“Mashaariicda la siyaasadeynayo waan diideynaa, dowlad dhexe ama dad kale ha wataan,” ayuu yiri Madaxweyne Deni, isagoo sii raaciyey, “Kuwa raba in mashaariic la musuq maasuqay oo qeyb Xamar lagu reebtay, qeybna Nairobi, qeybna iyagu sii reebanayaan hadhowna magac-xumadu dalku raaceyso aqbali mayno”.

Sidoo kale, Deni wuxuu soo hadal qaaday in mashaariicda laga fuliyo deegaannada maamulkaasi ay ka maran yihiin musuq iyo faragelin uga timaada hay’ado aan shaqo ku lahayn. Hadalka Madaxweyne Deni ayaa ku soo aadaya xilli lagu eedeynayo in uu hor istaagay mashaariicdii maamulka Puntland.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed