Somaliland oo sheegtay in taliyeyaal ciidan oo Muqdisho ka yimid dagaalka ku soo biireen

Warsaxaafadeed ka soo baxay Somaliland ayaa lagu sheegay in Taliyeyaal ciidan oo ka yimid magaalada Muqdisho ay ku soo biireen dagaalka ka socda gobolka Sool.

Warsaxaafadeedka ayaa lagu yiri “Ciidamada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland oo ka duulaya in ay is difaacaan ayaa dhirbaaxo kulul ku dhuftay kooxaha huwanta ah ayna ku soo biireen Taliyayaal Ciidan oo ka yimi Magaalada Muqdisho”.

Hadalka ka soo baxay Somaliland ayaa ku soo aadayaa iyadoo baraha bulshada la soo dhigay sawirka Taliyihi hore ee ciidanka Booliiska Soomaaliya Cabdi Xasan Maxamed (Xajaar) & Taliyhii hore ee ciidanka Badda Cabdixamiid Dirir oo ku sugan magaalada Laascaanood.

Dagaalka ka socda gobolka Sool ayaa sii xoogaystay waxaana uu socdaa maalintii 23-aad, iyadoo aanay muuqan wax xabad joojin ah oo labada dhinac la dhex dhigo.

HBN News Desk

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed