Nuur Cabdi Rooble Nuunuule oo sida la sheegay Alshabaab ka tirsanaa 17 sano ayaa maanta dhaawac culus ugu geeriyooday deegaan duleed ka ah degamada Ceelbuur ee gobolka Galgaduuud, sida uu xaqiijiyey wasiirka Gaashaandhigga Dowladda Federalka Soomaaliya DFS Axmed Macalin Fiqi.
Wuxuu Nuunuule ku dhashay deegaanka Ceel-garas oo hoostagta degmada Ceelbuur, waxaana da’diisa lagu sheegay 47-sano. Wasiir Fiqi oo warbaahinta la wadaagayey kooxda Nuunuule ayaa sheegay in Kooxda uu u qaabilsanaa howlaha weerar ee bartamaha Soomaaliya, si kale gobollada Hiiraan, Shabeellaha Dhexe, Mudug iyo Galgaduud.
Wasiirku wuxuu ku sifeeyay inuu ahaa shaqsi si gaar ah u hoggaamin jiray weeraro khasaare badan sababay ee lagu qaaday Ciidamada Dowladda, isagoo soo ahaa xubin furinta hore ah tan iyo sanadkii 2009-kii.
Wasiirka Fiqi ayaa carrabaabay in dhammaan xubna kale oo shalay geeriyooday ay ahaayeen maskaxdii ka dambeysay weeraradii ugu dambeeyay ee Alshabaab ka fulisay gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, isagoo intaas ku daray in howlgalkaasi uu si weyn u wiiqay awoodii kooxda Alshabaab, isla markaana uu garab u ahaa Ciidamada deegaanka ee la dagaallamaya kooxda.
Wasaaradda Difaaca ayaa sheegtay in howlgallada noocan oo kale ah ay sii socon doonaan ilaa laga cirib tiro khatarta Alshabaab ee ka jirta gudaha dalka, ayna rajeynayso in khasaaraha soo gaaray uu intaasi ka bato.
Dhanka kale, Ciidamada Deegaanka ee ku jira furinta hore ee dagaaalka deegaanada Hirshabeelle oo maalmahaan wajahaya culeyka kooxdu soo saartay ayaa sheegay inay dharbaaxo adag ku noqon doonto Alshabaab geeriyada xubnahaan badan, si gaar ah horjooge Nuunuule, ayna u fududaan doonto sida hadalka ay u dhigeen inay adkeystaan guusha dagaalka.
HBN ONLINE TV