Madaxweyne Xasan Sheekh oo si adag uga hadlay Doorashooyinka iyo Gogosha Wadatashiga Qaran

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si cad oo adag uga hadlay arrimaha doorashooyinka iyo gogosha wadatashiga siyaasadeed ee uu dhawaan fidiyey, isagoo xusay in masiirka ummadda Soomaaliyeed uu yahay mid ay shacabka Soomaaliyeed xaq u leeyihiin in ay si toos ah uga qeyb qaataan, xili uu hadalkan ku dhex sheegay khubadda Ciidda oo uu jeedinayey.

Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu sheegay in gogosha wadatashiga aysan ahayn mid xiran ama ujeedo gaar ah lagu hagayo, balse ay tahay fursad loogu talagalay in dhammaan saamileyda siyaasadeed – heer Federaal iyo heer Dowlad-Goboleed – ay aragtidooda ku biiriyaan sidii xal loo heli lahaa qodobada khilaafka dhaliyay, sida dib-u-eegista dastuurka, hannaanka doorashooyinka, iyo dhismaha hay’adaha dowladeed.

Madaxweynaha ayaasi kulul yiri “Waa in shacabka Soomaaliyeed helaan fursad buuxda oo ay uga qeyb-qaataan go’aan ka gaarista masiirkooda. Taasi waa tiirka ugu weyn ee dowladnimada iyo dimoqraadiyadda.”

Isagoo sii hadlaya ayuu yiri:“Wadahadalku wuu furnaan doonaa mar walba. Isu tanaasulka iyo xurmaynta xeerarka dowladnimadeena waa hiigsigeena”, isagoo carrabka ku adkeeyey adkeeyay in xal kasta oo laga gaaro arrimaha masiiriga ah uu noqon doono mid sharciyeysan oo loo marayo Golaha Wadatashiga Qaran iyo Baarlamaanka Federaalka, si loo ilaaliyo nidaamka dastuuriga ah iyo sharcinimada dowladnimada.

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in dalka Soomaaliya uusan ku sii sifeysnaa karin “Bartii yaqaan bari uma kororto” iyo Jugjug meeshaada joog, taasi oo muujineysa inuu durayo xumaha Mucaaradka

Dhanka kale, Wuxuu tilmaamay in aanay u furneyn madaxda iyo siyaasiyiinta, iyadoo aan Alshabaab laga xoreyn dalka, wuxuuna carrabka ku adkeeyey in loo baahan yahay in d alka loo jiheeyo wado garasho iyo damiir qaran ah.

Hadalkan ayaa imaanaya xilli uu Madaxweynaha wado labo kulan oo muhiim ah, oo midkood la qaban doono 15-ka Juun oo ay ka qeybgalayaan madax hore, iyo mid kale oo ah shirweynaha Golaha Wadatashiga Qaran oo dhacaya 22-ka Juun.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed