Iyadoo la tixraacayo Gogosha Wadatashiga Qaran ee uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku dhawaaqay in la qaban doono 15-ka Juun, ayaa Dowladda Federaalka Soomaaliya maanta sheegtay in casuumad rasmi ah loo diray siyaasiyiin iyo hoggaamiyeyaal bulsho oo kala duwan.
Warsaxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta ayaa lagu xusay in casuumadda la diray ay si gaar ah ugu socoto Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya, Guddoonkii hore ee Baarlamaanka Federaalka, Ra’iisul Wasaareyaashii hore, Madaxweynayaashii hore ee Dowlad-goboleedyada, Wakiillo ka socda ururrada siyaasadeed, Wakiillo ka socda bulshada rayidka iyo siyaasiyiin kale oo muhiim u ah gogosha wadatashiga
Wasaaradda ayaa sidoo kale sheegtay in Dowladda Federaalka ay wado dadaallo iyo kulammo gaar-gaar ah si loo hubiyo in gogosha 15-ka Juun ay noqoto mid miro dhal ah, loogana faa’iideysto fursaddeeda dib u heshiisiineed, isfaham siyaasadeed, iyo horumar qaran.
Gogoshani waxay timid xilli ay jiraan khilaafaad siyaasadeed iyo isfahan la’aan u baahan in lagu xalliyo wadahadal qaran oo loo dhan yahay. Dowladda Federaalka ayaa ballanqaadday in gogoshani ay fure u noqon doonto isbeddel qoto dheer oo lagu gaaro midnimo qaran iyo xasillooni siyaasadeed.
HBN ONLINE TV