Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya CXDS iyo kuwa deegaanka ayaa sheegay maanta in guul muhiim ah ka gaareen dagaal qarax ku bilowday oo Alshabaab ku soo qaaday deegaanka Ceelhareeri oo ku yaalla xadka gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.
Weerarka oo ahaa mid qorshaysan ay Alshabaab ugu soo qaadeen deegaanka ayaa la sheegay in fashiliyay gaari qaraxyo culus lagu soo raray, ka dib markii iska caabin xooggan ay sameeyeen ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka. Saraakiisha CXDS ayaa xaqiijinaya in Alshabaab laga dilay tiro badan, isla markaana ay meydadkoodu daadsan yihiin sida hadalka loo dhigay goobihii lagu dagaallamay.
Sidoo kale, waxaa intaasi ay ku dareen in lagu raadjoogo firxadka kooxdii weerarka qaaday, iyadoo ciidamada ay ku sii socdaan howlgalka nadiifinta ee deegaannada ku dhow Ceelhareeri.
Howlgalkan ayaa ka mid ah dagaallada joogtada ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo shacabka deegaanka ay kula jiraan Alshabaab, si loo xoreeyo dhulka ay kaga sugan yihiin Hirshabeelle. Warbixinta ayaa imaneysa xilli ay dowladda sare u qaaday dadaallada amniga, gaar ahaan meelaha ay muhiimka u yihiin istiraatiijiyadda dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta.
HBN ONLINE TV