Ciidamada Puntland ayaa maanta fuliyey howlgallo milatari oo ay ku beegsadeen xubno ka tirsan kooxda Daacish, kuwaas oo ku sugnaa deegaanka Shakaalooyin ee buuraha gobolka Bari. War-saxaafadeed ka soo baxay Ciidanka Puntland ayaa lagu sheegay in howlgalka lagu dilay laba xubnood oo ka tirsanaa kooxda Daacish, iyadoo sidoo kalena lala wareegay deegaanka istiraatiijiga ah ee Ceel Dacare oo ku yaalla Shakaalooyin.
Ciidanka ayaa intaa ku daray in goobta ay ku soo qabteen hub, matoorro iyo agab kale, inkastoo qayb ka mid ah ay gubtay kooxda ka hor intaan lala wareegin.
“Ciidanku waxay dileen 2 firxad argagixiso ah, waxayna la wareegeen Ceelka Dacare ee deegaanka Shakaalooyin, halkaasi oo loogu tegay hub, matoorro iyo agab kale oo ay sii gubtay argagixisadu,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay ciidamada.
Qabsashada Ceel Dacare ayaa ku soo beegmaysa iyadoo horaantii toddobaadkan ay ciidamada Puntland gacanta ku dhigeen togga Miraale oo ahaa meel muhiim u ahayd kooxda Daacish, ayna si buuxda uga saareen deegaankaas iyo nawaaxigiisa.
Tani waxay muujinaysaa dadaalka sii socda ee dowladda Puntland ugu jirto ciribtirka kooxaha xagjirka ah ee ku dhuumaalaysanaya buuraha Bari, iyadoo howlgallada noocan oo kale ah ay yihiin kuwo lagama maarmaan u ah sugidda amniga gobolka.
HBN ONLINE TV