Dowladda Federaalka Soomaaliya DFS ayaa faahfaahin ka bixisay howlgal sirdoon oo qorsheysan oo maanta laga fuliyey gobolka Shabeellaha Hoose, kaasoo lagu beegsaday xubin sare oo ka tirsan kooxda Alshabaab oo lagu raadjoogay in muddo ah.
War kasoo baxay Hay’adda Sirdoonka NISA ayaa lagu sheegay in ciidanka gaarka ah ee Gaashaan ay howlgalkaasi ku dileen horjoogihii Alshabaab u qaabilsanaa deegaannada Dhanaane iyo Gandarshe. Howlgalkan ayaa qeyb ka ah dadaallada sii kordhaya ee lagu bartilmaameedsanayo sida hadalka loo dhigay hoggaamiyeyaasha sare ee kooxda Alshabaab.
Sidoo kale, NISA waxay sheegtay in ay kor u qaadayso weerarada qorsheysan ee lagu beegsanayo horjoogayaasha Alshabaab. Warbixinta NISA ayaa sidoo kale xustay in dhowaan weerar kale oo laga fuliyay deegaanka Sabiid, lagu dilay horjooge sare oo kooxda u qaabilsanaa gorsheynta weerarrada hoobiyeyaasha ah ee lagu hayey Muqdisho tan iyo sanadkii 2023.
DFS ayaa ku tilmaamtay howlgalka mid guul weyn u ah dagaalka lagula jiro waxa loogu yeero argagixisada, iyadoo la ballan qaaday in hawlgalladu sii socon doonaan ilaa laga cirib tiro Alshabaab dalka.
HBN ONLINE TV