Ciidamada Burundi oo ka baxay deegaanka istiraatiijiga ah ee xawaadley iyadoo Alshabaab lagu eedeeyay fatahaadda deegaanka

Ciidamada Burundi ee ku sugnaa saldhigga hore ee Xawaadley waqooyi-bari magaalada Muqdisho ayaa laga daadgureeyay ka dib fatahaado xooggan oo ka dhashay roobab mahiigaan ah, sida uu shaaciyay Howlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM) maanta oo Talaado ah.

Daadgureynta ayaa timid shalay oo Isniin ah, iyadoo ay ka dambeysay kororka biyaha iyo xaaladda cimilada oo sida hadalka loo dhigay khatar gelisay ammaanka saldhigga. Intii lagu jiray howlgalka, mid ka mid ah diyaaradaha qumaatiga u kaca ayaa la kulmay cilad farsamo, balse duuliyeyaasha ayaa si xirfad leh diyaarada u dejiyay iyadoo aan wax khasaare ah la soo sheegin “Dhammaan ciidamada iyo shaqaalaha la socday ayaa si guul leh loogu wareejiyay saldhig ciidan oo u dhow” ayaa lagu yiri bayaanka AUSSOM.

Sidoo kale, AUSSOM ayaa ammaanay jawaabta degdegga ah ee ciidamada Burundi, iyadoo sheegtay in feejignaantooda iyo xirfadooda ay suuragelisay in si nabad ah loo dhammeeyo howlgalka.

“Waxaan ammaaneynaa tallaabada degdegga ah ee ay qaadeen ciidamada Burundi intii lagu jiray howlgalka xasaasiga ah, waxaana mar kale xaqiijineynaa taageerada aan u hayno shacabka Soomaaliyeed iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya si loo yareeyo saameynta fatahaadaha,” ayuu yiri Kareem Adebayo, Wakiilka KMG ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika ee Soomaaliya.

Si kastaba ha ahaatee, warbixinno laga helayo warbaahinta maxalliga ah ayaa muujinaya tuhunno ku saabsan in kooxda Alshabaab ay si ula kac ah uga danbeysay fatahaadaha isla markaana maleeshiyaad ka tirsan kooxda ay si kas ah ooda uga qaadeen biyihii ku jiray keydka biyaha ee Balcad — oo ah kan ugu weyn ee noociisa ah gudaha Soomaaliya — si ay u kordhiyaan fatahaada ka dhalatay roobabka.

Goobjoogayaal ka gaabsaday in la magacaabo sababo ammaan dartood ayaa sheegay in ay arkeen dagaalyahanno Alshabaab ah oo gudaha u galay tuulada Xawaadley wax yar un kaddib markii ay ka baxeen ciidamada Midowga Afrika.

Xawaadley waxaa loo arkaa meel istiraatiiji ah maadaama uu halkaas ku yaallo buundada muhiimka ah ee isku xirta gobollada dhexe iyo kuwa koonfureed ee dalka, taasoo si weyn u kordhinaysa muhiimadda juqraafiyeed ee deegaanka.

Xaaladda ayaa weli ah mid kacsan, iyadoo laga cabsi qabo in Alshabaab ay ka faa’iidaysato musiibada dabiiciga ah si ay markale gacanta ugu dhigto dhul muhiim ah. Wararka ayaa sidoo kale muujinaya in ciidamada dowladda Federaalka ay sameynayaan qiimeyn degdeg ah oo ku saabsan xaaladda gobolka iyo suuragalnimada howlgal dib u celin ah.

Isha ku haay HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed