Waxaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya ku geeriyooday General Maxamed Siciid Xirsi “Moorgan”, wasiirkii hore ee Gaashaandhigga dowladdii Kacaanka Soomaaliya, sida ay xaqiijiyeen xubno ka tirsan qoyskiisa.
Marxuumka oo muddooyinkii dambe xanuunsanaa ayaa la sheegay in xaaladdiisa caafimaad ay si lama filaan ah u sii xumaatay xilli uu ku sugnaa Puntland, taasoo keentay in loogu qaado xaalad caafimaad Nairobi, halkaas oo uu ugu dambeyntii ku geeriyooday.
General Moorgan wuxuu ku dhashay magaalada Qardho sannadkii 1949. Wuxuu ciidamada qalabka sida ku biiray sanadkii 1967, isagoo tababaro milatari oo sare ku soo qaatay dalalka Maraykanka, Talyaaniga, iyo Midowgii Soofiyeeti. Waxa uu ka mid ahaa saraakiishii ugu aqoonta sarreysay ee ciidamada Soomaaliya.
Morgan wuxuu sidoo kale ahaa taliyaha qaybta 26-aad ee ciidanka, taasoo lagu eedeeyay xadgudubyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha intii ay socotay dagaalka u dhexeeyay dowladda iyo jabhadda (SNM) ee gobollada waqooyi galbeed.
Markii uu dhacay xukunkii Siyaad Barre kadib, Morgan wuxuu noqday hoggaamiye kooxeed kana mid noqday dagaalkii sokeeye ee muddada dheer ka socday dalka, isagoo dagaalo la galay hoggaamiyayaal kooxeedyo kale.
Sanadihii u dambeeyay noloshiisa, General Moorgan wuxuu degganaa magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland. Halkaas ayuu ka noqday la-taliye sare oo dhanka ammaanka u qaabilsanaa Madaxweynaha Puntland, isagoo door muuqda ka qaatay dib-u-dhiska hay’adaha ammaanka iyo qorsheyaasha difaaca maamulka.
HBN ONLINE TV