Siyaasiyiinta mucaaradka ah oo uu hoggaaminayo Madaxweynihii hore ee Dowladdii Kumeelgaarka ahayd Shariif Sheekh Axmed, Ra’iisal Wasaareyaal hore, xildhibaano iyo siyaasiyiin kale ayaa maanta waxaa shir ballaaran uga furay magaalada Muqdisho, kaas oo lagu falanqeynayo xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka iyo wax-ka-beddelka dastuurka, xili durba ay ka soo bexeen afkaaro culus oo ka dhan ah Xukuumadda Madaxweyne Xasan Sheekh.
Shirkan oo ay ka soo qaybgaleen siyaasiin caan ah oo mucaarad ah ayaa lagu dhaliilay habka ay Dowladda Federaalka ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud u wajahday geeddi-socodka doorashada. Qudbadihii halkaas laga jeediyey ayaa si toos ah loogu eedeeyey dowladda in ay doorashada iyo wax-ka-beddelka dastuurka u wado sida hadalka loo dhigay si “hal xisbi ku kooban”, taasoo ay mucaaradku sheegeen in aysan u muuqan hannaan dimuqraadi ah oo loo wada dhan yahay.
Shariif Sheekh oo furay shirkan ayaa sheegay in dalka uu ku socdo sida uu qabo “jihi aan la aqbali karin oo aan sax ahayn”, isagoo eedeyn culus u jeediyey madaxda dowladda. Wuxuu ku dhaliilay in ay si qaldan u wadaan hannaanka siyaasadeed sida ay aragtidiisu tahay, isla markaana laga tegay wada-tashigii iyo isku tanaasulkii lagu gaari jiray arrimaha qaran.
Wuxuu sidoo kale si cad u diiday dhismaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka, oo uu ku tilmaamay mid si sharci-darro ah loo soo xulay oo baalmarsan dastuurka, isagoo yiri “Waa guddi koox dhisatay, waana wax aan la aqbali karin”.
Dhaliilaha kale ee uu jeediyey waxaa ka mid ahaa eedeyn ku saabsan in dadka si qasab ah loogu diiwaan-gelinayo doorashada. “Dadka xoog ayaa lagu diiwaangelinayaa, jaamacadihii baa cabasho keenay. doorasho xoog lagu galayo ma aha doorasho sax ah,” ayuu yiri Shariif.
Waxaa xusid mudan in aanay shirkan ka qeyb galin Madaxweyne hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, iyo sidoo kale madaxda maamullada Puntland iyo Jubbaland, inkastoo ay si weyn uga soo horjeedaan nidaamka dowladda hadda jirta. Xubnaha kale ee Mucaaradka ah oo isugu jiray xildhibaanno, siyaaasiyiin iyo Ra’iisal Wasaarayaal hore ayaa jeediyey khubaddo ay ku dureen madaxweynaha iyo habka uu wax u wado.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, oo haatan hal sano uga harsan yahay muddo-xileedkiisa, ayaa wajahaya mucaaradnimo sii xoogeysaneysa, xili mucaaradku ku hanjabeen mid aysan ka laaban doonin inuu ahaan doono. Waxay ku eedeeyeen in uu dalka ku hoggaaminayo waddo qalloocan, isla markaana aysan jirin isfahan siyaasadeed oo suurtagelin kara doorasho lagu wada qanacsan yahay.
Shirka ayaa la filayaa inuu socdo muddo seddex maalmood ah, sida uu warbaahinta u sheegay Ra’iisal Wasaare hore Maxamed Xuseen Rooble, waxaana lagu wadaa in war-murtiyeed laga soo saaro marka uu soo gabagaboobo maalinta jimcaha.
Dad badan oo Soomaaliyeed gaar ahaan dadka Muqdisho ayaa si wayn u muujinaya inaysan waxba ka qabin doodaha & dhaliilaha ay hawada isu marinayaan, balse waxay sheegeen inaysan aqbali doonin wax xiisad ah iyo magaaada loo horseedo tilaabooyin amniga wax u dhimaya ama in lagu dagaalamo, waxaana dadka intiisa badan ay si cad u sheegayaan inay ka soo horjeesan doonaan siyaasi kasta oo damca inuu xoog wax ku doono ha noqdo madaxweyanaha ama mucaaradka, iyagoo ugu baaqay in wax walba oo ay isku hayaan loo maro hanaan wadahadla iyo siyaasad, laakiin aan lagu fakarin wax fidno iyo qalqal dhanka amaank ah.
HBN ONLINE TV