Sida ku cad warsaxaafadeedka ay soo saartay Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee Dowladda Federaalka Soomaaliya DFS maanta ayaa loogu sheegay in la galay Muddo bad-xir ah oo saameyn doonta ganacsiga badda, kalluumeysiga iyo guud ahaan isticmaalkii gaadiidka badda ee dalka.
Bayaanka ka soo baxay wasaaradda ayaa lagu cadeeyey inay bilaabaneyso Muddo bad-xiranka ah maanta oo 26-ka May ah, iyadoo socon doonta ilaa 15 September, taas macnaheedu waa in badda Soomaaliya xirnaan doonto muddo ka badan 4 bilood, sababo la xiriira mowjado iyo dabeylo xoogan oo ka imaanaya Badweynta Hindiya iyo Gacanka Cadmeed — xaalado cimilo oo khatar gelin karta naf iyo hanti.
Go’aanka DFS ayaa lagu la wadaagay digniinta siiyay dhammaan Ganacsatada, Kalluumeysatada, Milkiilayaasha doomaha & maraakiibta, Shacabka guud, waxaana loo sheegay in la mamnuucay in la isticmaalo badda muddadaas, gaar ahaan, iyadoo la tilmamaay Doomaha yar yar iyo Maraakiibta ka yar 1,500 Metric Ton aanay badda ku socdaali Karin.
Amarka ayaa lagu sheegay u jeedada laga leeyahay wargelin ah in la badbaadiyo nolosha iyo hantida & in si mas’uuliyad leh looga jawaabo xaaladaha laga digayo.
HBN ONLINE TV

