Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida iyo Dambiyada Culus ee Gobollada Mudug iyo Cayn ee Puntland ayaa maanta xukuno adag ku riday rag lagu helay dambiyo la xiriira safrin walxaha qarxa, qalabka lagu sameeyo iyo diyaarado aan duuliye lahayn (drones) oo la sheegay in loo waday kooxda Alshabaab.
Maxkamaddu waxay u fadhiisatay dacwad ciqaabeed ka dhanka ahayd koox loo heystay in ay si sharci darro ah ku safriyeen agab khatar ah, waxaana lagu riday xukuno u dhexeeya 10 sano ilaa 30 sano oo xarig ah, halka xukunno kale oo ay riddayna go’aamo ciqaab ah ka soo saartay.
Xukunnada la riday maanta waxaa ka mid ah:
Cali Cabdullaahi Carab Shidaal – Waxaa lagu xukumay 30 sano oo xabsi ah, isagoo lagu helay dambiga ah inuu si toos ah u waday agab qarxa, qalabka laga sameeyo iyo diyaarado aan duuliye lahayn (drones).
Maxamuud Daahir Maxamuud (25 jir, darawal) iyo Cabdifitaax Xaashi Diiriye (36 jir, darawal) – Labada nin waxaa mid walba lagu xukumay 10 sano oo xarig ah, kadib markii lagu helay in ay wadeen gaari bas ah oo lagu siday walxaha qarxa, baaruudda TNT iyo diyaarado drones ah.
Gaariga baska ahaa ee lagu waday agabkaas halista ah waxaa Maxkamaddu u xukuntay maamulka Puntland iyo dhamaan diyaaradihii aan duuliye lahayn (drones) oo lagu wareejiyey.
Dhinaca kale Jaylaani Siidoow oo isna dacwad ku socotay ayaa dib loo siiyay xorriyaddiisii, halka Cali Isaaq Geelle, oo afar sano xirnaa, uu isna xorriyaddiisa helay kadib markii lagu waayey wax cadeyn ah oo muujinaya inuu xiriir la lahaa kooxda Alshabaab.
Sidoo kale, Ciise Xuseen Ibraahim, oo lagu eedeeyay inuu ka tirsanaa kooxaha Alshabaab iyo Daacish [horay uga mid ahaa Alshabaab, kadibne u diga rogtay Daacish] ayaa lagu helay dambiyada loo haystay, waxaana lagu xukumay 20 sano oo xabsi ah.
Maxkamadda Ciidamada Puntland ayaa ugu dambeyn sheegtay in dhammaan xukunnada ay ka furan yihiin racfaan muddo 30 cisho ah.
HBN ONLINE TV