Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Cabdisalaan Cabdi Cali ayaa maanta si rasmi ah uga guddoomay nuqulka warqadaha aqoonsiga danjirannimo Safiirka cusub ee Boqortooyada Midowday Charles King, taasi oo ka dhacday Muqdisho.
Wasiirka ayaa ku soo dhoweeyay Safiirka cusub dalka Soomaaliya, isaga oo u rajeeyay inuu si wacan u guto howsha diblomaasiyadeed ee loo igmaday.
Sidoo kale, Wasiir Cabdisalaan ayaa carabaabay in dowladda Soomaaliya ay rajo weyn ka qabto in xiriirka saaxiibtinimo iyo iskaashiga laba geesoodka ah ee Soomaaliya iyo Boqortooyada Midowday uu sii xoogeysan doono muddada uu Safiirku xilka hayo.
Kulanka ayaa qayb ka ah dadaallada lagu xoojinayo diblomaasiyadda iyo iskaashiga caalamiga ah, iyadoo labada dal ay horey ugu wada shaqeeyeen arrimo badan oo ay ka mid yihiin horumarinta dhaqaalaha, amniga, waxbarashada, iyo la-dagaalanka argagixisada.
HBN ONLINE TV