Madaxweynihii hore ee Dowladda Kumeelgaarka ahayd, Shariif Sheekh Axmed ayaa si adag u dhaleeceeyay Dowladda Federaalka Soomaaliya DFS, isagoo ku eedeeyay inay “si isa soo taraysa u xaddidayso xorriyadda saxaafadda”, ka dib markii magaalada Muqdisho lagu xiray lix wariye oo ku jiray shaqadooda caadiga ah.
Wariyeyaashan ayaa la sheegay in la qabtay xilli ay wadeen ra’yi uruurin ay shacabka ku weydiinayeen arrimo la xiriira dhaqdhaqaaqyada siyaasadeed ee mucaaradka iyo xog guud oo la xiriirta xaaladda dalka. Madaxweyne Shariif Sheekh ayaa ugu baaqay dowladda in si degdeg ah loo sii daayo wariyeyaashaasi.
Isla waqtigaas, warar kala duwan ayaa muujinaya in ciidamo DFS lagu arkay qeybo badan oo ka mid ah caasimadda Muqdisho, arrintaas oo uu Shariif ku tilmaamay tallaabo lagu caburinayo aragtiyada ka duwan kuwa dowladda, isla markaana lagu beegsanayo sida uu hadalka u dhigay shacabka iyo saxafiyiinta si loo aamusiyo codkooda.
“Muqdisho maanta waxaa ka jirta caburin ba’an oo dowladda ku hayso shacabka Soomaaliyeed. Nidaamkan talada haya wuxuu horseeday dhaqaale xumo, duruufo nololeed oo adag iyo marin habaabin lagu hayo dadweynaha, iyadoo shacabka laga hor istaagayo xuquuqdooda aasaasiga ah ee ah inay fikirkooda cabbiraan” ayuu yiri madaxweyne Shariif.
Ilaa iyo hadda, laamaha ammaanka DFS kama aysan hadlin sababta saxda ah ee loo xiray wariyeyaasha iyo sidoo kale dadka kale ee la sheegay in lala qabtay kuwaa xabsiga loo taxaabay.
HBN ONLINE TV