Guuleed Saalax “Maamulkii Puntland wuxuu kusii siqayaa inuu noqdo shirkad ganacsi oo u shaqeynaysa…”

Mid ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka Puntland, Guuleed Salaax Barre, ayaa maanta shir jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada Garoowe si adag ugu dhalliilay madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni, isaga oo ku eedeeyey inuu si kelitalisnimo ah sida uu hadalka u dhigay ugu maamulayo maamulka, isla markaana uu go’doomin siyaasadeed iyo heshiisyo halis ah la galay shirkado shisheeye.

Siyaasi Guuleed ayaa sheegay in Puntland lagu hogaaminayo dano gaar ah oo ka turjumaya damaca shaqsi ee madaxweynaha, isagoo hadalkiisa ku adkeeyey “Wax Allaale oo saameyn ku laheyn Soomaali — banaan baynu ka joognaa, xulafo ma heysano, saaxiibo ma heysano, qol mugdiyaan ku xirannahay. Waxa kaliya ee lagu jaangooyey waa damaca shaqsiga ah ee madaxweyne Saciid Deni,” ayuu yiri Guuleed.

Wuxuu ku eedeeyay Madaxweyne Deni in uu ka shaqeynayo dano gaar ah, isagoo ka hor marinaya baahiyaha guud ee bulshada Puntland sida uu hadalka u dhigay kuwa qaraabadiisa. “Maamulkii Puntland wuxuu kusii siqayaa inuu noqdo shirkad ganacsi oo u shaqeynaysa xubno dhow oo ka mid ah qaraabada ee Madaxweyne Saciid Deni” ayuu yiri Guuleed.

Sidoo kale, Guuleed wuxuu sheegay in dhammaan mashaariicdii lagu horumarin lahaa bulshada ay ku xayiran yihiin rabitaanka shaqsiga ah ee madaxweynaha, isagoo intaa ku daray in Deni uu Puntland ka dhigtay sida uu hadalka u dhigay jaranjaro uu uga faa’iideysto kursiga siyaasadeed ee uu rabo.

“Wixii mashaariic oo dadku ka faa’iidi lahaa — tiisa wuu ka shaqeynayaa, laakiin tii bulshada hormarka laheyd kuli waxay ku xayiran yihiin rabitaanta shaqsi ah ee madaxweyne Saciid Deni,” ayuu yiri markale.

Guuleed Salaax ayaa sidoo kale iftiimiyay in madaxweynaha uu awooddii maamulka u weeciyay sida uu qabo xildhibaannada Puntland ee ku sugan magaalada Muqdisho, taasoo uu ku tilmaamay in ay ka hor imaanayso danaha siyaasadeed iyo midda maamul ee Puntland.

Dhanka kale, wuxuu sheegay in ay jiraan dadaallo la doonayo in lagu kala qaybiyo bulshada Khaatumo iyo Puntland, taas oo uu carrababay in loo adeegsanayo dan gaar ah, hase yeeshee uusan faahfaahin cidda ka dambeysa.

Ugu dambeyn, Guuleed Salaax wuxuu ku baaqay in Puntland u baahantahay hoggaan ka madax bannaan eex, qaraabo-kiil, iyo adeegsi shakhsiyeed, isla markaana canshuurta bulshada laga qaado loogu adeegsado horumarka guud ee shacabka.
War-saxaafadeedkan ayaa kusoo beegmaya iyadoo ay cirka isku sii shareerayaan khilaafka siyaasadeed ee ka dhex taagan hoggaanka Puntland iyo qaybo ka mid ah mucaaradka gobolka.

Weli ma jirto cid masuuliyiinta Puntland ah oo ka jawaabay eedeymahaan madaxweyne Saciid Deni loo jeediyey — qudhiisuna kama hadlin.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed