Ku dhowaad 23,700 arday oo dhigta dugsiyada sare ee Puntland ayaa maanta si isku mar ah ugu fadhiistay imtixaanka shahaadiga ah, kaasoo ka dhacay 150 xarumood oo ku kala yaalla 30 degmo oo hoos yimaadda maamulka Puntland.
Imtixaankan ayaa ah mid uu maamulka Puntland si madax-bannaan u qaado muddo ka badan labaatan sano, iyadoo aanay qeyb ka ahayn nidaamka imtixaanka ee ay Dowladda Federaalka Soomaaliya waddo. Dowladda Federaalka ayaa dhowr jeer hore ugu baaqday Puntland in ay ardayda ka qeyb-geliso Imtixaanka Qaranka, hase yeeshee dadaalladaas weli miro dhal ma noqon.
Wasaaradda Waxbarashada Puntland ayaa sheegtay in si buuxda loogu diyaargaroobay imtixaanka, iyadoo la adkeeyay ammaanka, lana hubiyay hufnaanta habraaca iyo in ardaydu si xor iyo xasillooni leh ugu fariistaan imtixaanka.
Dhibaatooyinka ugu waaweyn ee ka dhasha kala duwanaanshaha nidaamka imtixaannada ayaa saameyn ku yeeshay ardayda doonaysa in ay waxbarasho ka sii wataan gudaha dalka ama dibadda, taas oo inta badan caqabado ku keenta aqoonsiga shahaadooyinka.
Dhinaca kale, Somaliland ayaa iyaduna si gaar ah u qaada imtixaannada dugsiyada dhexe iyo sare, iyada oo aan qeyb ka ahayn nidaamka Federaalka. Tani waxay muujinaysaa in labada maamul ee Somaliland iyo Puntland ay weli ku adkeysanayaan siyaasadooda waxbarasho ee madaxbannaanida ku saleysan.
HBN ONLINE TV