Ciidamada Kumaandooska Xoogga Dalka Soomaaliya ee Danab ayaa sheegay in howlgal qorsheysan oo ay ka fuliyeen deegaan hoos taga degmada Afmadow ee gobolka Jubbada Hoose ay ku burburiyeen fariisimo Alshabaab ku lahaayeen, iyadoo guullo waa weyn laga gaaray.
Intii uu socday howlgalkaasi, waxay ciidamada Danab gacanta ku dhigeen hub fara badan oo ay ka soo furteen Alshabaab, kuwaas oo lagu laayey saacadihii lasoo dhaafay deegaanka Barjaale oo hoos taga degmada Afmadow.
Saraakiisha hoggaaminaysay howlgalka ayaa u sheegay Warbaahinta dowladda in ay dileen in ka badan 40 xubnood oo ka tirsan Alshabaab, isla markaana ay nolosha ku qabteen xubno ay ku jiraan horjoogayaal muhiim ah. Ciidanku waxay sidoo kale soo bandhigeen sawirrada meydadka kooxda iyo godadkii ay ku dhuumaaleysanayeen, kuwaas oo gebi ahaanba la burburiyey.
Saraakiishu waxay intaa ku dareen in howlgalladu ay weli socdaan, iyadoo ciidamada Danab ay sii baacsanayaan sida hadalka loo dhigay firxadka Alshabaab, isla markaana ay ka saareen deegaano istaraatiiji ah oo hadda si buuxda ay gacanta ugu hayaan.
Danab ayaa sheegtay in Guulaha laga gaaray howlgalka Barjaale ay barbar socdaan howlgallada kale ee laga fuliyey gobollada Hiiraan, Shabeellaha Hoose iyo Jubbada Hoose, kuwaas oo lagu dilay in ka badan 120 xubnood oo Alshabaab ah.
Saacado ka hor wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya ayaa sheegtay inay wado qorsheyaal is barbar socda iyo kuwa cusub oo ay soo wado oo lagu beegsan doono koooxda, iyagoo goobo badan oo muhiim ah ka saaray.
HBN ONLINE TV