Muuqaal lagu daabacay bogga aqalka Cad ee dalka Maraykanka ayaa lagu sheegay in duqeyn lagu dilay 10 xubnood oo ka mid ah kooxaha Alshabaab & Daacish ah ee ka dagaalama Soomaaliya, waxaana uu jinayay tiro dad kor laga duubay, kadibna dhamaantood duqeyn lagu beegsanayo.
Tani waxay tirada guud ee dhimashada kooxaha loogu argagixisada ee Soomaaliya ka dagaalaama ka dhigeysaa in ka badan 100 xubnood, tan iyo markii Madaxweyne Donald Trump loo dhaariyey xilka markale Maraykanka.
“Tani waxay tirada guud ee argagixisada dhiig-miiratada ah ee la dilay ka dhigeysaa in ka badan 100 tan iyo markii Madaxweyne Trump loo dhaariyey xilka.” ayaa lagu yiri bayaanka ka soo baxay aqalka cad.
Bayaan kasoo baxay Mareykanka ayaa lagu soo gabagabeeyey waa ku raadsan doonaa.
HBN ONLINE TV