Dowladda Soomaaliya oo faahfaahin ka bixisay howalgal Howlgal lagu beegsaday fariirimo Alshabaab Shabeellaha Hoose

Ciidamada xoogga Soomaaliya oo howlgal qorsheysan ka fuliyay duleedka deegaanada Sabiid iyo Caanoole ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegay in lagu burburiyay fariisimo ay kooxda Alshabaab ku lahaayeen dhulka beeraha ah, halkaasi oo Ciidamadu bartilmaameedsadeen fadhiyo gaar ah.

Howlgalka oo dhacay saacadihii la soo dhaafay ayaa si gaar ah loogu beegsaday saldhigyo Alshabaab ay u adeegsan jireen abaabulka weerarada ka dhanka ah sida hadalka loo dhigay Shacabka Soomaaliyeed. Fariisimahaasi ayaa la xaqiijiyay in ay ahaayeen meelaha ugu muhiimsan ee kooxdu ka soo abaabusho waxa loogu yeeray dhagarta iyo falalka amni-darrada ah.

Saraakiisha hoggaaminaysay howlgalka ayaa u sheegay Warbaahinta dowladda in kooxda Alshabaab laga saaray gebi ahaanba goobihii ay ku dhuumaaleysanaayeen, iyaga oo intaa ku daray in howlgalka uu qeyb ka yahay dadaallada joogtada ah ee lagu xaqiijinayo amniga iyo xasilloonida gobolka.

Ciidamada Qaranka ayaa tilmaamay in la kordhiyay howlgallada qorsheysan ee ka dhanka ah Alshabaab, si loo baabi’iyo sida hadalka loo dhigay “meel kasta” oo ay isku dayaan in ay gabbaad ka dhigtaan, loona xaqiijiyo “nabadda shacabka Soomaaliyeed”.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed