Ciidanka Hay’adda Sirdoonka Soomaaliya ee NISA ayaa sheegay inay ku dileen howlgal qorsheysan oo ka dhacay Gobolka Shabeellaha Hoose ku dhawaad 50 xubnood oo Alshabaab ah oo uu ku jiray horjooge sare, kaasi oo u xilsaarnaa dhanka qorsheynta weerarrada hoobiyeyaasha ee ka dhacay magaalada Muqdisho tan iyo sanadkii 2023-kii.
Howlgalka oo ka dhacay deegaanka Sabiid ayaa yimid kadib markii sida la sheegay ay ciidamadu si dhaw ula socdeen dhaqdhaqaaqa horjoogahan, isagoo la xaqiijiyay in lagu beegsaday goob si gaar ah loo bartilmaameedsaday, halkaasoo sidoo kale lagu dilay lagu carrabaaby bayaanka NISA dhammaan maleeshiyaadkii ilaalada u ahaa.
Dhinaca kale, ciidamada NISA ayaa sidoo kale fuliyay lix howlgal oo duqeyn ah oo laga sameeyay deegaanka Ceel-hareeri ee Gobolka Hiiraan, laga bilaabo galabnimadii shalay ilaa xalay. Howlgalladan ayaa lagu dilay 46 Alshaabab ah oo isugu jiray horjoogeyaal iyo maleeshiyaad, kuwaas oo lagu weeraray goob ay gabbaad ka dhigteen.
Hay’adda NISA ayaa sheegtay in ay sare u qaaday xoojinta howlgallada qorsheysan ee lagula dagaallamayo kooxda, iyada oo ay jirto joogitaanka Taliyaha Hay’adda Sirdoonka ee deegaannada ay howlgalladu ka socdaan, taasoo sare u qaadday sida la tilmaamay hufnaanta iyo guulaha laga gaarayo howlgalladan.
HBN ONLINE TV