Magaalada Muqdisho ayaa maanta aas qaran loo sameeyay Taliyihii Guutada 26-aad, qeybta 27-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXD) Korneyl Cabdiraxmaan Xujaale, kaasoo dhowaan lagu dilay deegaanka Mubaax oo u dhaxeeya magaalooyinka Moqokori iyo Aadan Yabaal ee Hirshabeelle.
Munaasabadda aaska ayaa waxaa ka qeyb galay masuuliyiin sar oo ka tirsan dowladda federaalka ah & Hirshabeelle, oo ay ka mid yihiin Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle, Wasiirka Gaashaandhigga Axmed Macallin Fiqi, Guddoomiye ku xigeennada Golaha Aqalka Sare, xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka, iyo saraakiil ciidan.
Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya oo hadal ka jeediyay goobta janaasadda ayaa sheegay in Taliye Xujaale uu naftiisa u huray dalkiisa, isagoo ku guda jiray waajibaadkiisa qaran, wuxuuna carrabka ku adkeeyay baahida loo qabo in dhiig loo huro badbaadada dalka, wuxuuna yiri “Waddadan uu dalka ku badbaadi karo waa in dhiig loo daadiyaa, waxa ugu weyn ee loo baxsho waa dhiigaas.”
Dilka Taliyaha ayaa ka dhacay xilli ay deegaanka Mubaax ka socdeen dagaallo u dhexeeya ciidanka dowladda iyo kooxda Alshabaab. Sida ay xaqiijiyeen ilo-wareedyo dowladda ah, dilka waxaa geystay askari oo hadda gacanta ciidamada ku jira, waxaana la filayaa in loo soo wareejiyo magaalada Muqdisho si baaritaanno dheeraad ah loogu sameeyo.
Korneyl Cabdiraxmaan Xujaale ayaa ka mid ahaa saraakiisha hormuudka u ahaa dagaalka ka dhanka ah Alshabaab, gaar ahaan howlgalada ka socda gobollada Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe. Geeridiisa ayaa loo arkaa khasaare weyn oo ku dhacay dadaallada lagu xaqiijinayo amniga iyo xasilloonida dalka, inkastoo sidaani oo kale gobolka Shabelle Hoose looogu dilay shantii bishii hore Abriil Taliyihii Guutada 14 October ee ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya Nuur Maxamed Gaaboow (Nuur Fareey).
Xog la xariirta https://hbnonlinetv.com/faahfaahin-dheeraad-ah-oo-ka-soo-baxaysa-dilka-taliye-xujaalle/
HBN ONLINE TV