Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in Alshabaab jab culus lagu gaarsiiyey dagaalka ka dhacay Ceel-Hareeri Hiiraan

Dowladda Soomaaliya oo faahfaahin ka bixisay weerar qorsheysan oo maanta lagu qaaday fariisimo ay ku sugnaayeen xubno ka mid ah Alshabaab dhulka howdka ah ee u dhexeeya gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ayaa lagu sheegay in khasaare culus lagu gaarsiiyey kooxda.

Howlgalka oo si gaar ah uga dhacay deegaanka Ceel-Hareeri ee gobolka Hiiraan ayaa lagu beegsaday xarun muhiim ah oo isku uruursanayey aagaasi.  Bayaan ka soo baxay dowladda ayaa lagu carrabaabay in intii uu socday weerarkaasi lagu dilay tiro badan oo ka tirsan kooxda Alshabaab, iyadoo ciidamada ay meesha ka saareen godod ay kooxdu u isticmaali jireen gabaad ahaan, kuwaa oo sawiro laga soo qaaday lala wadaagay warbaahinta iyo dadka.

Sidoo kale, Wararka ka imaanaya goobta ayaa sheegaya in maydadka xubno badan oo ka tirsanaa Alshabaab ay yaallaan deegaanka, taasoo muujinaysa sida hadalka loo dhigay jab culus oo kooxdaasi ka soo gaaray dagaalka.

Ciidamada deegaanka iyo kuwa milatariga Soomaaliya ayaa guul weyn ka sheegtay howlgalkaasi, iyaga oo gacanta ku dhigay saldhigyo muhiim ah oo Alshabaab ku lahaayeen xadka labada gobol, sida uu ku waramay raadiyaha Ciidamada dowladda Soomaaliya.

Mas’uuliyiinta ciidamada ayaa sheegay in ay sii wadi doonaan dagaalka ilaa laga sifeynayo guud ahaan gobolka kooxda, waxaana howlgalkan uu ka mid yahay dagaallo todobaadkaan si xawli ah kaga socda xadka labada gobol ee Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed