Warar kala duwan oo soo baxay ayaa sheegaya in tiro hoobiyaal ah lagu garaacay saaka qeybo ka mid ah degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho, kuwaas oo qaar ka mid ah si toos ah ugu dhaceen gudaha xerada Xalane, oo ku taalla xeyndaabka garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.
Goobjoogayaal ku sugan agagaarka garoonka Aadan Cadde ayaa warbaahinta u sheegay inay maqleen ugu yaraan afar jug oo is xigxigay, iyadoo la rumeysan yahay in tirada hoobiyaasha ay intaas ka badan tahay. Qaar badan oo ka mid ah madaafiicdaasi waxay ku dhaceen meel u dhow garoonka diyaaradaha, taasoo abuurtay cabsi xooggan iyo walaac dhanka amniga ah oo ku baahay qeybo badan oo ka mid ah degmada Wadajir.
Wararka hordhaca ah waxay tilmaamaya in hoobiyaasha lagu qiyaasay inay gaarayeen ilaa lix, hase yeeshee lama oga si rasmi ah halka ay labo ka mid ah ku dhaceen. Illaa iyo hadda ma jiro war ah oo laga helay khasaaraha ka dhashay weerarka, mana jirto wax war ah oo ka soo baxay hay’adaha amniga dowladda Federaalka Soomaaliya ama ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika (AUSSOM) ee halkaasi ku sugan.
Weerarkan ayaa kusoo beegmaya xilli horey hoobiyaal loogu garaacay xerada Xalane bilihii la soo dhaafay tan iyo markii uu sanadkan 2025 bilowday, iyadoo inta badan aysan dowladda Soomaaliya ka hadlin dhacdooyinkaas.
HBN ONLINE TV