War cusub : Dagaal u dhexeeya Alshabaab iyo Ciidamada dowladda oo ka socda Howdka u Dhaxeeya Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe

Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa deegaanka ee gobolka Hiiraan ayaa saaka qaaday weerar culus oo ka dhan ah kooxda Alshabaab ee ku dhuumaaleysanaya dhulka hawdka ah ee ku yaalla xuduudda u dhaxeysa gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

Weerarkan ayaa ka billowday sida la sheegay deegaanka Ceel-hareeri ee gobolka Hiiraan, halkaas oo ciidamada weerarka ka baxeen, kuna beegsadeen goob ay Alshabaab isku uruursanayeen. Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Hiiraan ayaa Warbaahinta Dowladda u xaqiijiyay in dagaalka uu yahay mid weli socda isla markaana khasaaraha lagu gaarsiiyey kooxda la soo sheegi doono saacadaha soo socda.

Maalmihii lasoo dhaafay, ciidamada isgarabsanaya ee Xoogga dalka iyo deegaanka ayaa qaadayey howlgallo isdaba-joog ah oo lagu bartilmaameedsanayo Alshabaab, kuwaas oo looga dilay xubno badan oo ka tirsan kooxda, lagana saaray sida hadalka loo dhiagy deegaano istaraatiiji ah.

Saraakiisha ammaanka ayaa sheegay in howlgalka uu weli socdo, ayna xog dhammeystiran kasoo bixin doonaan marka uu dhammaado.

Isha ku haay HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed