Somaliland oo ka hadashay bannaabaxyo ka dhacay magaalada Burco

Xukuumadad Somaliland ayaa maanta ka hadashay baxnaanax weyn oo si aad u gilgilay magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer, ka dib boqolaal shacab ah xirteen jidadka halbowlaha ah ee magaalada.

Banaanbaxyadan ayaa ka dhashay warar la isla dhexmarayo oo sheegaya in xukuumadda Somaliland ay wado qorshe lagu sii deynayo maxaabiis laga hayo SSC-Khaatumo oo lagu fasaxayo maalinta fantasiyaha 18-ka May ee Somaliland sanad walba xusto.

Goobaha fagaaraha ah ee magaalada, gaar ahaan aargada weyn ayaa la arkayey muuqaal muujinaya qiiq iyo holac cirka isku shareeraya, kadib markii banaanbaxayaashu gubeen taayirro. Qaarkood waxay si toos ah ula kulmeen ciidamada ammaanka, iyaga oo dhagxaan ku tuurayay si ay uga hor tagaan kala eryinta mudaharaadka.

Xukuumadda Somaliland ayaa horraantii todobaadkan ku dhawaaqday qorshe ay ku sii deyneyso boqolaal maxbuus, taasi oo markii dambe isu rogtay in su’aallo la iska waydiiyo cida la siideynayo – hase yeeshee arin shaki dhalisay ayaa wasiirka arimaha gudaha Somaliland Cabdalle Maxamed Carab (Cabdalle Sandheere) ayaa cadeeyey in dadka la sii deynayo aanay ku jirin maxaabiista dambiyada dagaalka.

“Maxabiista la cafiyo kuwa danbiyada dagaalka galaa kuma jiraan – Burco dadbaa fowdo ka wada, inooma qurux badna waxaanay hubin in dadku ku muda-horaadaan” ayuu yiri wasiir Sandheere.

Sidoo kale, wasiirka ayaa faray laamaha ammaanka inay talaabo adag ay ka qaadaan dad uu sheegay inay ka dambeeyeen rabshadihii maanta ee Burco.

Xukuumadda ayaa horaantii todobaadkan ku dhawaad in jeelasha Somaliland laga siideyn doono 779 ruux oo loo heysto dambiyo yaryar.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed