Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa si adag u cambaareeyay xisbiga cusub ee Caddaaladda iyo Midnimada oo ay xalay uu ku dhawaaqay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Deni wuxuu xisbiga ku tilmaamay “qorshe awood urursi” oo si cad u wiiqaya sida uu hadalka u dhigay nidaamka federaalka iyo dowlad-dhisidda Soomaaliya oo weli jilicsan.
Sidoo kale, Deni wuxuu ku sheegay in arrintani tahay “dadaal khatar ah oo lagu doonayo in si buuxda gacanta loogu dhigo siyaasadda dalka,” isagoo intaas ku daray in taasi ay tahay sababta ugu weyn ee Puntland uga baaqatay shirarka Golaha Wadatashiga Qaranka.
Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu yiri “Ma in la burburiyo Jubbaland iyo Koonfur-Galbeed ayaa hadda micnaheedu yahay midnimo? Kuwa isku sheegaya inay dalka mideynayaan, waxay dhab ahaantii kala goynayaan.”
Digniinta Deni ayaa imaneysa iyadoo khilaafka u dhexeeya Puntland iyo Villa Soomaaliya uu sii xoogeysanayo, gaar ahaan muranka ku saabsan wax-ka-beddelka dastuurka, doorashooyinka, iyo eedeymaha la xiriira isku-dayga awood urursiga dowladda dhexe.
HBN ONLINE TV