Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa markale si cad u muujiyay go’aankiisa adag ee ah in dalka aan dib loogu laaban doonin nidaamka doorashooyinka dadban, isaga oo arrintaas ka sheegay munaasabad loogu daahfurayay wajiga cusub ee xisbigiisa oo Muqdisho lagu qabtay.
Madaxweynaha oo hadal ka jeediyay xafladdaas ayaa xusay in Soomaaliya loogu celin doonin doorasho dadban, taasi bedelkeeda la qaban doono doorasho qof iyo cod ah, taas oo uu ku tilmaamay inay tahay habka kaliya ee lagu gaari karo dowladnimo sal adag leh.
“Xisbigaan wuxuu ka shaqeyn doonaa horumarka dalka. Siyaasiyiinta sanduuqooda siyaasadeed uu eber yahay, doorasho dadban bis ugu jirto, fadlan wax kale ka fakara,” ayuu si adag u yiri Madaxweyne Xasan Sheekh, isagoo farriin toos ah u diray siyaasiyiinta doonaya in lagu noqdo nidaamkii hore ee doorashada dadban.
Xisbiga madaxweynaha ee horay loo aas-aasay, ayaa hadda laga bedelay magaca, laguna soo daray xubno cusub oo ku aragti ah, waxaana lagu kordhiyay hoggaan siyaasadeed oo ka kooban madaxda dowladda dhexe iyo qaar ka mid ah madaxda dawlad-goboleedyada.
Waxaa hogaanka xisbiga si cad ugu jira: Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 1-aad, Madaxweynayaasha Galmudug, Hirshabeelle, Koonfur Galbeed iyo SSC-Khaatumo & Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.
Isku shaandheyntan ayaa loo arkaa mid xoojinaysa wajiga cusub ee siyaasadda xisbiga, iyadoo laga dhex arkayo is-isku keenid ballaaran oo lagu muujinayo taageerada madaxda federaalka iyo dawlad-goboleedyada qaarkood u hayaan Madaxweyne Xasan.
Madaxda ku jira xisbiga ayaa dhammaantood ka qaybgalay Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ee todobaadkii hore ka dhacay Muqdisho. Shirkan ayaa diiradda lagu saaray arrimaha doorashooyinka, sugidda amniga iyo xoojinta mabaadi’da federaalka. Si kastaba, Puntland iyo Jubbaland ayaa ka maqnaa shirkaasi, taas oo muujisay kala aragti duwanaan siyaasadeed oo wali taagan.
Falanqeeyayaal siyaasadeed ayaa tilmaamay in tallaabadan madaxweynaha ay muujinayso dib usoo laba kacleyntiisa siyaasadeed, hase yeeshee qaar ka mid ah mucaaradka ayaa ku dooday in isbeddelka xisbigan iyo hadallada Madaxweynaha aysan la imaan wax ka bedel muuqda oo la taaban karo, iyagoo ku eedeeyay dowladda in ay waddo siyaasad aan loo dhameyn.
Ugu dambeyn, khudbaddii Madaxweyne Xasan iyo dib-u-dhiska Xisbigiisa JSP ayaa si weyn u muujinaysa dadaalka uu ugu jiro hirgelinta nidaam doorasho, balse weli waxaa muuqda in khilaaf siyaasadeed iyo is-maandhaafyo ku hareeraysan yahay hannaanka doorashooyinka iyo caqabado waaweyn oo horyaalla.
HBN ONLINE TV