Dab Khasaare geystay oo ka kacay Suuqa Bakaaraha ee Muqdisho

Khasaare kala duwan ayaa ka dhashay dab xoog leh oo saacadihii la soo dhaafay ka kacay Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho, gaar ahaan qaybta daawada. Dabka oo si lama filaan ah u kacay qeyb ka mid ah suuqa ayaa sababay gubasho hantiyeed, iyadoo ugu dambeyn lagu guuleystay in laga hortago fiditaankiisa, kadib gurmad qaatay saacado badan.

Sida ay sheegeen masuuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Banaadir, dabka waxaa la rumeysan yahay inuu ka dhashay koronto, islamarkaana uu si guud u gubay guriga uu ka bilowday. Saraakiisha ayaa xusay in dabka uu ku koobnaaday halkii uu ka kacay, taasoo sababtay in si degdeg ah loo xakameeyo ka hor inta uusan fidin.

Suuqa Bakaaraha oo ah midka ugu weyn Soomaaliya ayaa horey marar badan waxaa uga dhacay dabab waa weyn oo sababay khasaare hantiyeed oo aad u baaxad weynaa, taas oo keentay in ganacsato badan ay ku waayaan hantidii ay muddada dheer ku shaqeysanayeen.

Inkasta oo maamulka gobolka Banaadir iyo dowladda federaalka Soomaaliya ay horey u balanqaadeen in ay wax ka qaban doonaan dhacdooyinka isdaba jooga ah ee dabka suuqa ka kaca, haddana weli xal waara looma helin arrintan oo sii noqotay mid caadi ah.
Ganacsatada iyo shacabka ku sugan suuqa ayaa markale ugu baaqay mas’uuliyiinta in ay qaadaan tallaabooyin wax ku ool ah oo lagaga hortagi karo musiibooyinka noocan oo kale ah.

Dhibaatada ugu weyn ee heysata suuqa ayaa ah xargaha qulqulka Korontada oo si aad ah u buux-dhaafiyey gudaha Suuqa – Waxaana sida ay sheegayaan dadka ku xeesha dheer arimaha dhismaha istiraatiijiyadda dhismooyinka ay tani dhaawici kartaa haddii aan xal loo helin dhaqaalaha iyo kobaca dalka.

HBNO ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed