Maamulka Gobolka Banaadir oo faahfaahin ka bixiyey khasaaraha ka dhashay Roobabkii culuslaa ee ku dhuftay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in tirada dhimashada ay korortay, ka dib markii lagu ogaaday baaritaanno la sameeyey.
Duqa Muqdisho Maxamed Axmed Amiir oo sheegay in roobabkii da’ay gobolka Banaadir ka duwanaayeen kuwii horay loo yaqaanay ayaa tilmaamay inay ku dhinteen dad gaaraya 11 ruux, maamulkune sameyn doono isbedel wax looga qabanayo xaaladaha taaagan.
Waxaa uu ku andacooday in karaankooda ka reeban doonin xaaladaha jira iyo dib furista wadooyinka burburku soo gaaray ee Caasimadda.
Sidoo kale, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa Magacaabay Guddiga Gurmadka Deg-Degga kuwaa oo wax ka qaban doona saameynta ka dhalatay roobabkii saacadaha badan da’ay ee magaalada Muqdisho.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in roobabkii ka da’ay Muqdisho ay ahaayeen kuwa aan caadi ahayn, islamarkaana ay yihiin kuwii ugu xooganaa ee magaalada ka da’ muddo ku dhow 36 sano, ka dib markii sanadkii 1989-kii ay sidaan oo kale roobab xooggan uga da’een caasimadda.
Wasaaradda Biyaha Soomaaliya ayaa sheegtay in 115mm oo roob ah uu ku da’ay Muqdisho muddo siddeed saacadood gudahood ah, taas oo keentay daadad degdeg ah oo magaalada wada gaarey.
Dhanka kale, Khubaro ku takhasustay qorsheynta magaalooyinka iyo nidaamka bullaacadaha ayaa tilmaamay in burburka baaxadda leh uu sabab u aheyn roobka culus, balse uu siddoo kale uu dayac ka jiray kaabeyaasha magaalada. Waxay sheegeen in biyo mareennada ay ahaayeen kuwo xiran, wadooyinka si liidata loo dhisay, iyo dhismooyin sharci-darro ah oo ka dhacay hareeraha wadooyinka ay sabab u noqdeen waxyeelada ba’an.
HBN ONLINE TV