Ciidamada RSF oo Weerar Ku Qaaday Kosti iyo Guterres oo Ka Walwalsan Duqeymaha Port Sudan.

Qaraxyo xooggan ayaa laga maqlay magaalada Port Sudan aroornimadii hore ee maanta oo Khamiis ah, waxaana Warbaahinta ay ku warrantay in difaacyada cirka Suudaan ay fashiliyeen weerar cusub oo ay qaadayeen Ciidamada gurmadka Degdegga ah (RSF) oo adeegsanaya diyaarado aan duuliye lahayn  maalintii  afraad oo xiriir ah.
Ilo ciidan oo Suudaani ah ayaa sheegay in difaacyada cirka ay soo rideen dhowr diyaaradood oo drones ah oo ku socday magaalada Port Sudan, kuwaasoo mid ka mid ah la beegsaday xarunta Kulliyadda Ciidamada Cirka ee woqooyiga magaalada.
Dhinaca kale, weeraro kale oo RSF u adeegsatay diyaaradaha drone-ka ayaa  saaka ka dhacay magaalada Kosti oo ka tirsan gobolka Kordofanta Waqooyi ee Suudaan, halkaasoo uu dab qabsaday keydka shidaalka.
Sarkaal milatari ayaa sheegay  isagoo codsaday inaan magaciisa la xusin – in RSF ay saddex drone ku beegsadeen keydka shidaalka ee gobolka, taasoo keentay in dab qabsado, iyadoo Ciidanka Gurmadka Degdegga ah ay isku dayayaan inay damiyaan dabka.
Arbacadii, ilo ciidan ayaa sheegay in weerarro cusub oo ay RSF fulisay ay beegsadeen saldhigga badda ee Flamingo ee woqooyiga Port Sudan, kaasoo ah saldhigga badeed ee ugu weyn Suudaan.
Sarkaal milatari ayaa sheegay in difaacyada cirka ee dhulka ay fashiliyeen diyaarado weeraray Kulliyadda Hawada ee agagaarka saldhigga, waana weerarkii labaad ee noociisa ah muddo 24 saacadood gudahood ah. Goobjoogayaal ayaa sheegay in ay maqleen qaraxyo xiriir ah oo socday in ka badan nus saac woqooyiga magaalada.
Weerarro hore ayay RSF ku beegsadeen goobo istaraatijiyad ah, sida garoonkii diyaaradaha ee ugu dambeeyay ee u adeegayay shacabka ee Port Sudan, saldhig koronto iyo keyd shidaal. Sidoo kale, ilo amni ayaa sheegay in saddex diyaaradood oo drone ah ay beegsadeen xarumo ku yaal garoonka magaalada Kasaala ee koonfurta.
Isla wararkan, Antonio Guterres, Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, ayaa muujiyay “walwal xooggan” oo ku saabsan duqeymaha cirka ee Port Sudan maalmihii la soo dhaafay.
Guterres ayaa ka digay in weerarrada drone-ku ay yihiin “kordhin weyn” oo ku saabsan dagaalka u dhexeeya ciidamada milatariga Suudaan iyo RSF, kaasoo socday in ka badan hal sano.
Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in beegsiga magaalada Port Sudan uu “kordhin karo baahida dadka iyo adkeynta howlaha gurmadka,” iyadoo in ka badan 25 milyan oo qof ay wajahayaan xaalad cunto la’aan daran.
Senator  ka tirsan Gongareska Maraykanka Chris Van Hollen, ayaa bartiisa X (Twitter) ku sheegay in dagaalka sokeeye ee Suudaan uu dilay in ka badan 150,000 oo qof, uuna barakiciyay in ka badan 14 milyan oo kale.
HBN Online Tv

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed