Wargeyska The Wall Street Journal ayaa soo xigtay mas’uul ka tirsan waaxda gaashaandhiga Mareykanka ee loo yaqaan Pentagon-ka in u beddelidda Badda Cas meel ammaan ah ay qaadan doonto waqti.
Mas’uulka Mareykanka ayaa wuxuu intaasi raaciyey in weli shaqo laga qabanayo sidii loo xaqiijin lahaa badbaadada maraakiibta mara Badda Cas, isagoo xusay in xaqiijintaasi ay ku jiri karto waardiyeen xaddidan oo ay sameeyaan ciidamada badda ee Maraykanka. Wuxu tilmaamay in Washington ay ka shaqaynayso ilaalinta Badda Cas, balse taasina ay ku xirnaan doonto hab-dhaqanka kooxda Xuutiyiinta.
Isla wargeyska ayaa sidoo kale soo xigtay shirkad xamuulka qaada oo sheegtay inay qiimeyneyso heshiiska uu ku dhawaaqay madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ee ku saabsan Xuutiyiinta, balse aanay hadda qorsheynin inay maraakiibtu maraan biyo badeed gobolka.
Trump ayaa sheegay inuu ixtiraamayo ballanqaadyada kooxda reer Yemen ee ah in ay joojineyso weerarada ay ku beegsato maraakiibta gooshaya Badda Cas, isagoo intaa ku daray in Xuutiyiinta la gaarsiiyay dharbaaxooyin culus balse ay u adkaysteen oo geesinimo muujiyeen.
Afhayeenka Xuutiyiinta Maxamed Cabdisalaam ayaa shaaciyey in heshiiska u dhexeeya Sanca iyo Washington uu dhigayo in la joojiyo weerarada Maraykanka ee Yemen, taasi beddelkeedana la joojiyo beegsiga maraakiibta Maraykanka iyo kuwa ganacsiga ee maraya Badda Cas, marka laga reebo maraakiibta Israa’iil. Maxamed Cabdisalaam ayaa intaas ku daray wareysi uu siiyay Telefishinka Al-Jazeera in heshiiska uu u adeegayo qaddiyadda Falastiin isla markaana uu ceebaynayo Israa’iil, isagoo adkeeyay in jawaabta loo dirayo Israa’iil ay tahay mid aan la baajin doonin, loona adeegsan doono dhammaan waxyaabaha la heli karo.
Afhayeenku waxuu adkeeyay in taageerada Qasa aysan noqon doonin mid lagu gorgortami karo. Isagoo tilmaamay in beegsiga maraakiibta Israa’iil uu sii socon doono ilaa gargaarka bini’aadantinimo loo ogolaado Qaza.
Isla arimahan, mas’uul Maraykan ah ayaa u sheegay Al Jazeera in waxa ay Washington la gaartay Xuutiyiinta uusan ahayn heshiis rasmi ah balse uu yahay isfahan afka ah si loo joojiyo weerarada labada dhinac, waa sida hadalka uu u dhigaye.
Wuxuu shaaciyey in Xuutiyiintu ay diyaar u ahaayeen inay joojiyaan weerarada isdhaafka ah islamarkaana ay Cummaan u direen astaamo muujinaya diyaar garowgooda wadahadalka.
Wuxuu iftiimiyay in ergayga Maraykanka Steve Whitkoff uu aqbalay isla markaana uu la hadlay Xuutiyiinta isagoo adeegsanaya dhexdhexaadinta Cummaan, wakiilka Mareykanka ayaa ku andacooday in isfahanka Xuutiyiinta lala gaaray uu dib u soo celin doono xorriyadda maraakiibta, balse Washington ay rumaysan tahay inay weli sii wadi doonaan weerarada ka dhanka ah Israa’iil.
Wuxuu intaas ku daray in Maraykanku uu caawin doono Israa’iil haddii la weeraro, isagoo sheegay in duqeymaha Maraykanku ay daciifiyeen hoggaanla dhexe oo Xuutiyiinta ah oo haystay xirfado farsamo oo ah hubka Iiraan, wuxuu intaasi ku daray in waa sida hadalka uu u yiriye howlgallada milateri ee Maraykankuna waxey khasaare culus gaarsiiyeen Xuutiyiinta , balse wuxuu qiray in dalkiisu sidoo kale uu khasaare la kulmay intii ay xiisaddu socotay.
Xaaladda Israa’iil, wakaaladda Warbaahinta Israa’iil ayaa soo xigatay Wasiirka Difaaca Yisrael Katz oo sheegay in Xuutiyiinta lagu dhufan doono dharbaaxo xanuun badan haddii ay sii wadaan beegsiga Israa’iil
Wuxui intaa ku daray in ciidamada difaaca Israa’iil ay u diyaar garoobeen dhammaan xaaladaha. Katz oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegat in “Israa’iil ay awood u leedahay inay isdifaacdo iyadoo adeegsanaysa cududeeda si ay uga hortagto hanjabaad kasta iyo cadow kasta, isaga oo yiri “Wixii aan ku sameynay Xisbullah, Xamaas, Assad iyo Xuutiyiinta, ayaan sidoo kale ku sameyn doonaa Tehraan.”
Warbaahinta Israa’iil ayaa soo xigatay mas’uuliyiin Israa’iili ah oo sheegay in Talaabiib ay ka yaabtay ku dhawaaqista Trump ee ku saabsan heshiiska Xuutiyiinta.
Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in Israa’iil ay si madax-bannaan ula tacaalayso waxa uu ugu yeeray hanjabaadda Xuutiyiinta iyadoo aan u baahnayn caawimaad, isagoo caddeeyay in Israa’iil leeyahay “awood badan” oo horey ay u dhaqaajin karto.
Dhankiisa, wasiirka Arrimaha Dibadda Gideon Sa’ar ayaa wargeyska Yedioth Ahronoth ee Israa’iil ka soo baxa u sheegay in Israa’iil aysan horey u helin wax wargelin ah oo ku saabsan ku dhawaaqista Trump ee ah in weerarada Xuutiyiinta la joojiyo.
Isla arimahan, kanaalka kanaalka 14-aad ee Israa’iil laga leeyahay ayaa soo xigtay ilo amni oo sheegay in hoggaanka ciidamada iyo ammaanka Israa’iil ay yeesheen wada-tashiyo ballaaran kadib markii uu Trump ku dhawaaqay arrinta Xuutiyiinta, iyagoo xusay in saadaalintu muujinayso in Xuutiyiintu ay beegsan karaan kaabayaasha iyo shabakadaha muhiimka ah ee Israa’iil sida shabakadda korontada.
Ilo-wareedyadaas ayaa intaas ku daray in qiimeyntu muujinayso in Xuutiyiintu ay sii wadi karaan beegsiga meelaha milateri iyo kuwo rayidka, ayna jiraan filasho ah in jawaabta Israa’iil noqoto mid degdeg ah.
HBN ONLINE TV