Maxay yihiin qodobada buuqa keenay ee Shirkii Golaha Wadatashiga Qaranka ee lagu Gunaanaday Muqdisho

Shirkii Golaha Wadatashiga Qaranka (GWQ) ee Soomaaliya oo socday laba maalmood (6–7 May 2025) ayaa lagu soo gunaanaday magaalada Muqdisho. Shirkan waxaa guddoomiyey Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, wuxuuna diiradda saaray arrimaha amniga, xasilloonida siyaasadda iyo midnimada qaran.

Shirka waxaa ka qaybgalay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka, ku-xigeenkiisa, madaxda dowlad-goboleedyada Koonfur Galbeed, Galmudug, Hirshabeelle iyo SSC-Khaatumo, iyo Duqa Muqdisho.

Go’aamada ka soo baxay shirka ayaa kala ah la dagaalanka Argagixisada. Golaha ayaa dhageystay warbixin uu soo jeediyey La-Taliyaha Amniga Qaranka oo ku saabsan howlgalada la-dagaalanka argagixisada, waxaana ammaan loo jeediyey Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed guulihii ugu dambeeyay ee ay gaareen. Waxaa la adkeeyay baahida loo qabo iskaashi joogto ah oo lala yeesho hay’adaha caalamiga ah, gaar ahaan howlgalka AUSSOM.

Qodobada kale waxaa ka mid ah Doorashooyinka iyo Diiwaangelinta Cod-bixiyeyaasha: Guddiga Doorashooyinka Qaranka ayaa soo bandhigay horumarka laga gaaray diiwaangelinta codbixiyeyaasha. Golaha ayaa ku adkeystay in la dedejiyo howlaha doorashooyinka si ay u qabsoomaan wakhtigii loogu talagalay.

Sidoo kale, waxaa goluhu uu dalbaday in Wasaaradda arimaha gudaha keento xal looga gaarayo Jubbaland, waxaana lagu yiri “Golaha Wadatashiga Qaran waxa uu isku raacay in wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka ay keento illo iyo soo jeedin xaaladda Maamul Goboleedka Jubaland si waafaqsan dastuurka iyo sharciyada kale ee dalka, si loo helo nidaam dowlad Goboleed oo sharci ah”.

Golaha wuxuu si adag ugu celiyey muhiimadda ay leedahay ilaalinta Dastuurka Ku-meegaal-gaar ah ee dalka, wuxuuna ugu baaqay dhammaan daneeyayaasha siyaasadda inay khilaafaadka ku xalliyaan wadahadal iyo hannaan sharci ah.

Inta uu shirku socday golohu si rasmi ah u ansixiyey in SSC-Khaatumo lagu daro qaab-dhismeedka federaalka Soomaaliya, isagoo u aqoonsaday inay tahay dawlad-goboleed sharci ah. Dowladda Federaalka ayaa lagu dhiirrigeliyey inay dardargeliso wadahadallada iyo dhamaystirka xaaladda dastuuriga ah ee SSC-Khaatumo.

Arrimaha Bani’aadamnimada iyo Horumarinta Dhaqaalaha: Golaha wuxuu adkeeyey in dowladda dhexe iyo dowlad-goboleedyadu iska kaashadaan wax-ka-qabashada dhibaatada ka dhalatay colaadaha iyo isbeddelka cimilada. Waxaa sidoo kale la dhiirrigeliyey maal-gashadayaasha Soomaaliyeed iyo kuwa caalamiga ah inay ka qaybqaataan horumarinta dhaqaalaha dalka.

Is-afgarad Siyaasadeed iyo Iskaashi Qaran: Dhamaan madaxda ka qeyb gashay shirku waxay si wadajir ah u saxiixeen war-murtiyeedka, taasoo muujineysa isku duubni siyaasadeed iyo go’aan mideysan oo lagu gaaray horumarinta hannaanka federaalka iyo xasilinta Soomaaliya.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed