Puntland oo war ka soo saartay wararka Sheegaya in Imaaraadku saldhig Milatari oo gantaalaha laga rido ka dhistay Boosaaso

Wasiirka Warfaafinta Puntland Maxamuud Caidid Dirir, ayaa si cad u beeniyey warar lagu baahiyey warbaahinta oo sheegaya in Dowladda Imaaraadka Carabta ay ka dhisatay saldhigyo milatari ama meelo gantaalaha laga rido magaalada Boosaaso, oo ku taalla waqooyi-bari Soomaaliya.

Wasiirka ayaa sheegay in wararkaasi yihiin “kuwo aan sal iyo raad toona lahayn”, isla markaana uu ku tilmaamay qayb ka mid ah dagaal warbaahineed oo ay wadaan sida uu hadalka u dhigay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo warbaahin shisheeye, kuwaas oo uu ku eedeeyey inay isku dayayaan in ay sumcad-dil ku hayaan Puntland.

Wuxuu intaas ku daray in dadaallada Puntland ee ka dhanka ah argagixisada ay yihiin kuwa dhab ah, balse wararkan been-abuurka ah loogu talogalay in lagu carqaladeeyo shaqadaas muhiimka ah.

“Wararkaasi waa been-abuur, waxayna qayb ka yihiin olole loogu talagalay in lagu wiiqo hawlaha Puntland ee la dagaallanka argagixisada,” ayuu yiri Wasiir Maxamuud Caydiid.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed