Wararkii u dambeeyey dagaalka Pakistan & Hindiya

Milatariga Hindiya ayaa sheegay in ciidamada Pakistan ay xalay ku garaaceen madaafiic aagga Kashmiir ee ay Hindiya maamusho, kadib weerarro gantaallo ah oo ay Hindiya ka geysatay gudaha Pakistan. Xukuumada New Delhi waxay sheegtay inay beegsatay wax ay ugu yeertay“kaabayaal argagixiso” oo ku yaalla gudaha Pakistan, taasoo jawaab u ahayd weerar 22-kii Abriil ka dhacay Kashmiirta ay Hindiya maamusho.

“Pakistan mar kale waxay jabisay heshiiskii xabbad-joojinta iyadoo madaafiic ku garaacday deegaannada Pember Gali iyo Poonch Rajuri,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay milatariga Hindiya oo lagu daabacay baraha bulshada, iyagoo intaas ku daray inay “si feejigan oo ku habboon uga jawaabeen.”

Wakaaladda wararka Reuters ayaa ka soo xigatay afhayeen milatari oo sheegay in 8 Pakistaniyiin ah la dilay, 35 la dhaawacay, halka 2 kalena la la’yahay kadib duqeynta Hindiya.

Afhayeenka militariga Pakistan ayaa sidoo kale sheegay in ugu yaraan laba masjid lagu beegsaday weerarka, halka sarkaal kale oo Pakistani ah uu ku dhawaaqay xaalad degdeg ah oo laga hirgeliyay gobolka Punjab, sida ay werisay Reuters.

Booliska ayaa Reuters u sheegay in dagaal culus oo is-weydaarsi madaafiic ah uu ka dhacay saddex goobood oo xadka ku yaal gudaha Kashmiir. Telefishinka Pakistan ayaa soo xigtay saraakiil amni oo sheegay in Ciidamada Cirka Pakistan ay soo rideen shan diyaaradood oo dagaal oo Hindiya leedahay iyo hal drone.

Afhayeen milatari oo la hadlay Reuters ayaa yiri: “Diyaaradihii dagaal ee Hindiya ee aan soo ridnay waxay ahaayeen saddex Rafale, hal Su-30, iyo hal MiG-29.” Mas’uul Hindi ah ayaa u sheegay Reuters in diyaarad dagaal oo Hindiya leedahay ay ku burburtay Kashmiir oo ay maamusho, halka duuliye dhaawacmayna isbitaal la dhigay.

Telefishinka Pakistan ayaa sidoo kale soo xigtay ilo ciidan oo sheegay in cutub ciidamada dhulka ah oo ka tirsan ciidamada Hindiya la burburiyay, ayna weli socoto jawaabtii Pakistan ee weerarka laba-marxaladood ahaa ee Hindiya qaaday.

Reuters waxay sidoo kale soo xigatay sarkaal boolis oo Hindi ah oo sheegay in xabbad-joojin la jabiyay guud ahaan inta badan xadka kala qeybiya Hindiya iyo Pakistan ee Kashmiir, iyadoo shirkadda diyaaradaha SpiceJet ay sheegtay in “garoomo diyaaradeed oo ku yaalla woqooyiga dalka la xiray sababo la xiriira xaaladda hadda jirta.”

Safaaradda Hindiya ee Washington ayaa sheegtay in Delhi ay “heshay xog sugan oo si cad u muujinaysa in argagixiso kasoo jeeda Pakistan ay ku lug lahaayeen weerarkii bishii hore ee ka dhacay Kashmiir,”waa sida hadalka loo dhigaye, iyagoo intaas ku daray in “la-taliyaha ammaanka qaran ee Hindiya uu isla markiiba la hadlay xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka kadib weerarka.”

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Pakistan ayaa sheegtay inay “si xooggan u cambaaraynayso ficillada Hindiya” oo ay ku tilmaantay inay “jabineen madax-bannaanida Pakistan iyagoo adeegsanaya hub fog oo kasoo ridday hawada Hindiya.”

Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka, Marco Rubio, ayaa sheegay inuu si dhow ula socdo xaaladda u dhaxeysa Hindiya iyo Pakistan, ayna sii wadi doonaan wadashaqeynta labada hoggaan si xal nabadeed loo gaaro.

Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka waxay sheegtay in Rubio uu la hadlay dhiggiisa Hindiya iyo Pakistan, isagoo ku booriyay labada dhinac inay furnaadaan xiriirka iyo isgaarsiinta, ayna yareeyaan xiisadda.

HBN Online TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed